Somaliland: Tiradii ugu badnayd oo laga helay Corona Virus

0

Hargeysa (Berberanews) Waxaa Somaliland 24kii saacadood ee ugu danbeeyay laga helay 14 kiis oo cusub Covid-19.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wadaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xergeeye, dadka cusub ee laga helay xanuunka ayaa 10 ka mid ahi rag yihiin, halka 4ta kalena dumar yihiin.

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa 20-jir ilaa 80jir.

Bukaanadan waxa 12 degen yihiin gobolka Maroodi Jeex, halka 2 qofna degen yihiin gobolka Saaxil.

Waxaa geeriyooday hal qof oo da’diisu tahay 80jir oo deganaa Hargeysa, taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland (6).