SOMALILAND WAXAY MAANTA GAADHAY MAALINTII ADUUNKU AQOONSANLAHAA UNA GARAABILAHAA HORUMARKAY GAADHAY

0

Waxaan aad u salamayaa  bahda  berberanews oo ah hormuudka  saxaafada soomaliland   taaso  looga bartay warar xaqiiqo ah   oo waliba joogta    iyo dhamaan  dadwenaha  isku dhaafsada rayiga caafimaadka qaba.


Waxaan maanta qalinka u yara qaatay inaan ka hadlo hadaladan ka soo yeedhaaya madaxda  afrikaanka ee ku saabsan aqoonsiga somaliland taaso maalinba heer jooga.


Hadaba, sida aynu wada ogsoonahay wadanka somaliland waxaa  hada looga dabaal degay sanad guuradii 20 aad ee kasoo wareegtay xiligii ay kala soo noqotay xornimadeedii   kana goday waxii  laysku odhaan jiray  somaliweyn  taaso  dagaalo qadhadh ka dib wadankan la xoreeyey   dawladii faqash     islamarkaana laga hirgeliyey dawlad   iyo nidaam  kala dambayna  taasi suura galisay     in aan qabsano waxyaabo badan oo ay ka midtahay   doorashooyin      horumar nabadgalyo iyo barwaaqo ilahay ina siyey tahayna wax lagu faano kagana duwanahay   dadka jaarkeena  ah ee dagaaladu aafeeyen labatankaa sano

hadaba waxaa maanta la gaadhay maalintii somaliland heli lahayd waxay caalamka ka rajeynaysay mudadaa intaa leeg oo ah aqoonsi caalimaya taaso ay ku tusayso hadalada kasoo yeedhay madax badan oo aduunka ah hadaan soo qaadano  waxa   ka mid ahaa gabadh wasiirka arimaha dibada south afrika      taaso tidhi waxaan diyaar u nahay in aan aqoonsano  dawlada somaliland   iyaga iyo ghana kuna talo jiraan in ay ku guubabiyaan dawlado kaloo afrikaana  taason wada ognahay south afrika waa dalalka looga dambeeyo siyaasada afrika      taason ognahay in dalkaasi somaliland la leeyahay xidhiidh sokooye

taas waxaa ka dambeeyey hadalka maanta kaso yeedhay dawlada kenya oo kaaliyaha arimaha dibadu daboolka ka qaaday in kenya hada diyaar u tahay in ay aqoonsato jamhuuriyada somaliland     taaso ninkaasi ka sheegay  xafladii 18 may ee lagu qabtay nairobi   taasina tahay talaabo wax ku oola  o usoo hoyatay jamhuuriyadan somaliland     taaso aan ognahay dalka kenya waxay wufuud kala duwan usoo direen somaliland xiliyo kala dambeeyey kuna qanceen horumarka ay ku taalabsantay jamhuuriyadan aan cidina ka taageerin   horumarkeeda ee iyadu isku xisaabtantay siday wax u qabsan lahayd iyadoon  helin kaalmo caalimaya dhamaystirtayna   waxii dawladnimo looga baahnaa,  taasina maanta  waxay ku tusinaysaa sidaa dawlada caalamku u garawsadeen in maanta la gaadhay maalintaan sugaynay   indhaha calamkuna inoo soo jeesteen sida    looga dabaal degay dhamaan caalamka warbaahintuna qada dhigayaan      in dadkani  u qalmaan in la aqoonsado waxna lala qabto.


maantana ay ku dhawaaqeen dalalkii laynagu  xujayn jiray ee la odhaan jirey igad iyo afrika kala hadla aqoonsigiina maanta diyaar u yihiin    aqoonsigeena taaso ah wax aad u wacan   kuna timi samirka iyo dulqaadka umadani gaadhay  labatanka sano ee aduunku ina hagraday .


guntii iyo gabgabdii waxaan dawlada somaliland ku boorinlahaa waa in ay badisaa dadaalka ku aadan igad iyo midawga afrika siday   ula samayn lahayd wada hadal  toosa   una joogtayn lahayd dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed oo afrika dhexdeeda  ka samayn lahayd    si talaabo
hore laagu qaado   lana joogteeyo la kulanka madaxda afrika    si loo gaadhsiyo qadiyada somaliland meesha ay marayso .


wa bilaahi tawfiiq

Cabdirahmaan Axmed Yussuf

waayo_arag905@hotmail.com