Somaliland: Xukuumadda oo soo afjartay Jabhad la magac baxday Xaqdoon.

0

Ceerigaabo (Berberanews) Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay Buuraha gobolka Sanaag u galleen Jabhad la magac baxday Xaqdoon.

Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa in todobaadyadii u danbeeyay uu wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon.

Gudigii nabadaynta mudooyinkii danbe u joogay Ceel Afweyn ayaa Nabad ku soo afjaray shaqaaqadii ka jirtay deeganada gobolka Sanaag.

Iyado si nabad ah ay ku xaliyeen jabhad gooni goosadka ahayd Ee dhawaan ka bilaamatay deegano ka mid ah gobolka sanaag.

Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel Afweyn.