SOO NOQOSHADII BERBERA .Wq.Ceelaabe

0

Waxaynu la soconey isbedelada kala duwan ee wakhtiyadii xukumadii hore ku dhici jiray,magaalo xebeedka berbera,waxa aad loo hadal heyn jiray berbera oo runtii xaaladeeda laga deyrinaayo,horumarka dhinaca adeegyada bulshada aas,aasiga u ahna intooda badani ay ku yar yihiin ama ay kaba maqan yihiinba.

Waxa jirtay in magaaladu ay noqotey ugu danbeyntii meel xitaa laga dal,doorsadey oo xaggii degaan ahaanta lafteedii dadkii cidhiidhi gelisay.waxa lala yaabi jiray sida magaalo xeeb ku taala dekekadii wadanka ugu weyneyd ee dhaqaalaha wadanka intiisa badani uu ka soo bixi jiray ay iyadu noqoto mida haddana ugu liidata uguna hooseysa xagga horumarka iyo adeegyada nolosha kaaba intaba.

Xukumadii hore waxa aad loogu dhaliili jiray in ayna dayactir hagaagsan ku sameynin dekeda lafteeda iyo guud ahaan magaaladaba lacagta ka soo baxda dekedana in si toos ah loogu soo xareysan jiray madaxtooyada inteeda badan.waxa kale oo xaqiiqo ah in maamulka dekeda ee wakhtigaasi iyo mararka qaar masuuliyiinta gobolka talada u haya laga deyrin jiray sida ay u shaqeeyaan iyo halka ay berbera dhigeen,waxa halkaasi ka soo baxdey in berberi noqoto magaalo aad loo hadal hayo,iyada oo hadal heyntaasina ay aheyd mid u bada daranyada iyo dhibta heysata magaalo xeebeedkii berbera,ee ayna aheyn amaan loo soo jeedinaayo berbera.

Waxa xaqiiqo ah in dekeda berbera oo ah mid ka mid ah dekedaha somaliland,ahna ta ugu weyn ee dhinaca badda ,dhaqaalaha ugu badana dawlada ka soo galo,in ay noqotey meel laga guurey ,arimo badan oo ay ka mid yihiin adeegyada dekeda oo aan wanaagsaneyn,qiimaha cashuurta alaabta soo degeysa ama ka dhoofeysa laga qaado iwm.ayaana sababay in berberi ay hoos marto dekedaha kale ee geeska afrika ku yaala ee ay tartanka kula jirto,waxa jirta dekeda Djabouti,iyo mid bosaaso ku taala oo iyagu noqdey kuwo tartan xoogan kula jira dekeda berbera suuq badana run ahaantii ka qabsaday wakhtiyadii xukumadii hore xilka heysey.arimahaasi aynu kor ku sheegney dhammaantoodna waa kuwa sababay in reer berbera oo runtii niyada ka jeclaa una hiilin lahaa UDUB ay mucaarid ku noqdaan oo ay ka codeeyaan si cid kale oo uga shaqo fiicani ay xilka ula wareegto.

 

 

 

 

waxaan xasuustaa  mar runtii aad looga deyriyey xaalada nololeed ee berbera in aan u qoray qoraal ciwaankiisu ahaa”Talo Ku Socota Nin Xeebeedka Berbera” berbera waxan filayaa maanta xaqiiqatan waxey ku jirtaa meelaha loogu hadal heynta badan yahay,isbedelo xoogan ayaana ka socda,kuwaasi oo dhamaantooda dhinaca horumarka ku lug leh.waxa aynu si toos ah u arkeynaa in isbedel wanaagsani uu ku dhacay dhinaca maamulka dekeda iyo dhamaan adeegyada shaqo ee dekadu ay qabato,horumar laga sameyey dhinaca nidaaminta iyo casriyeynta dhinaca shaqada,dhismayaha iyo soo bandhigida qalab cusub oo socodsiinaya shaqadii dekada ayaa aynu maqalney waayadan danbe.maamulka guud ee hagaya shaqada marsada ayaa sidoo kale ilaa hadda sidaan qabo aan laheyn wax dhaliiil buuran ah,waxana aan sidoo kale rajeyneyaa in habka uruurinta cashuurta laga qaado wixii ka soo degaya dekeda in si wanaagsan oo maamul dawladeed ah loo nidaamiyey,in qiimaha cashuurtuna uu noqdo mid u qalma dhinaca jabana u dhaw ayaa muhiim ah,si dekedu ay ula tartanto dekedaha kale ee ku yaala geeeska afrika  una soo ceshato shaqadi iyo mashquulkii xooganaa ee looga bartey.waxa malaa dhab ah in marka isbedel fiican lagu sameeyo horumarinta iyo shaqada dekeda ay suurta gal noqoneyso in sidoo kale isbedelkaasi uu ka muuqdo ama ku dhaco isla magaalada lafteeda,lacagaha ka soo baxa dekeda waxa haboon in si wanaagsan loo maamulo,in qeyb ka mid ah dib loogu celiyo isla dekeda,sidoo kale waxa qurux badan in qeybo kalena wax lagaga qabtoa adeegyada magaalada xeebta ah si ay u noqoto mid si heer sare ah loogu noolan karo,wixii intaa dheerna in xarunta dhexe ee dawlada loo soo gudbiyo ayaa qurux badan,laakin haddii magaalada lacagta ka soo wada baxda la soo dhaafiyo waxa ay u eekaaneysaa geedkii biyaha ku dhex jiray haddana qalalay ama bixi waayey.

 

waxa kale oo aan dareemi karaa in xagga masuuliyiinta xilalka kala duwan ka haya wakhtigan berberi in ay yihiin kuwo ku dhac leh,sidoo kale ay ka muuqato in ay ka go,an tahay in ay si xilkasnimo leh ugu shaqeeyaan berbera,waa arin lagu farxo in la helo dad xilka ay dhabarka u riteen si wanaagsan ugu shaqeeya,waxa ay berberi u baahan tahay maamul wanaagsan oo berbera ka dhiga magaalo iyo deked somaliland ku faanto,sidoo kalena berbera gaar ahaanteeda ka dhiga magaalo magac leh ,waa in aad u shaqeysaa meesha aad ka soo jeedo kuna soo bar,baartey.waxa sidoo kale waayadan aynu maqleyneyn in garoonka diyaaradaha ee berbera oo runtii ah mid taariikhi ah isla markaasina weyn lagu sameeyey isbedelo horumar leh iyo adeegyo cusub arintaasi oo ka dhigtay berbera mid dhinaca safarada cirka iyo baddaba ay kaga muuqato somaliland.dhinaca kale adeegyada bulshada sida biyaha,dhinaca caafimaadka,dabka ama korontada,waxbarashada,amaanka,shaqada iyo guud ahaan arimaha kale oo dhan ayaa  u wada muuqda kuwo horumar laga sameeyey iyo isbedel,mana jiraan cabashadii badneyd ee wakhtiyadii hore ay muwaadiniintu ka qabeen arimahaasi wakhtigani.maxjarka adhiga ayaa sidoo kale laga furay berbera oo aan runtii  qabo in uu dhaq,dhaqaaq shaqo iyo horumar keeni karo.magaalo dalxiis, wadnana u noqota dhaqaalaha somaliland mar haddii dekedadii ku taalo ayaan u rajeyneynaa berbera.waxa sidoo kale jirta arinta imika taagan ee la xidhiidha dhinaca maalgelinta iyo dhisida warshada sibidha somaliland arintaasi oo muran ka taagan yahay la iskuna khilaafsan yahay dadkuna aad uga hadley shaadh qabiilna loo wada gashaday,taasi oo kolay magac iyo horumarba ugu jiro guud ahaan somaliland iyo gaar ahaan berbera.

Runtii waxan jecelahay in aan ku soo koobo khilaafaadka ka jira arimaha dhinaca maamulka sida ta jaamacada oo kale la xidhiidha iyo mida arinta sibidhka la xidhiidhaba in si wanaagsan lagu dhameyn doono oo aan laga dhigin arinta markii nimcadii timi in la isku qab,qabsado,waxaana la gudboon shacabku in ay masuliyiinta shaqadooda wata u daayaan arinta go,aan qaadashadeeda,dano gaar ah iyo madaxtinimo jaceyl dadka ay qaadeyna ayna ku guurin magac qabiil iwm.malaa hadal heynta berberi wey badan tahay wakhtigan,waxaana dhab ah in berberi ay ka bad,baadey in loogu yeedho” Pradise Lost”

 

 

 

 

hana ogaado muwaadinka u dhashay berberi in magaaladiisu ay  u baahan tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarkeeda,sida dhisida,degitaankeeda iwm oo yaanu hurdada ka toosin mar xeedho iyo fandhaal kala dhaceenba“get involved if you want berbera rejuvented”

 

Fiiro Gaar ah

waxa jira xifaaltan iyo arimo weji qabiil loo yeelayo oo ka dhex dhalanaya hab qeybsiga awooda ama dhinaca dhaqaalaha iyo maalgelinta intaba,waxa jira in baratan dhinaca dhaqaalaha laga dareemi karo meelo badan,waxa jira in berbera dekeda ku taala awgeed ay ka dhigi karto in ay noqoto meel ganacsi oo dadkii u dhex ah ama dad tiro badani ay iska soo buuxiyaan degaana ka sameystaan arintaasi oo sababi karta in aan la isku niyad fiicnaanin,hase ahaate  waa in la is ixtiraamaa, qadirintana aan meesha laga saarin oo meelkasta aan ka muuqdo ama wax ku darsado ama magaceygu ha gaadho yaan xaalkeenu noqonin.sharciga kala xadeynta iyo ilaalinta heshiisyada ganacsi iyo qandaraasyada la xidhiidha fulinta ama maalgelinta mashruucyadana dawladu cida ay kula heshiiso ama u saxeexdo in lagu xaq dhawro ayey tahay in dawladuna ka baxdo ama dhawr qof ay is dhinac eridana waa laga wanaagsan yahay.(big No/big Yes family business)

 

the land of love.berbera backs with bang.the best of times ,the worest of times.All Izz Well

 

 

Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com