Sucuudiga oo xabsiga dhigay saraakiil looga shakiyay inqilaab

0

Saddex xubno sarsare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, oo uu ku jiro nin la dhashay boqorka, ayaa loo xidhsu sababo aan la shaacin, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Labo ka tirsan ragga la xidhay ayaa ku jiray saraakiisha ugu saameynta badan boqortooyada.

xidhitaanka loo geystay xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa dhaxal-suge Mohammed bin Salman.

Sanadkii 2017, xubno ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudiga, wasiirro iyo ganacsato ayaa lagu xiray hoteelka Ritz-Carlton oo ku yaalla Riyadh kaddib markii uu dhaxal-suguhu amray soo xiritaankooda.

Mohammed bin Salman ayaa loo arkayay hoggaamiyaha ay ka go`do talada boqortooyada, kaddib markii u aabbihiis u magacaabay dhaxal-suge sanadkii 2016.

Raggan ayaa la soo xidhay aroortii hore ee shalay, sida ay tebiyeen wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal.

Saddexda nin ee la xidhay ayaa la sheegay inay kala yihiin boqorka walaalkii ka yar amiir Ahmed bin Abdulaziz, dhaxal-sugihii hore Mohammed bin Nayef, iyo wiil ay dhaxal-sugaha ilmo adeer yihiin, amiir Nawaf bin Nayef.

Mohammed bin Nayef wuxuu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kahor inta aan xilka laga qaadin oo xabsi guri uusan gelin Mohammed Bin Salman sanadkii 2017.