Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Oo Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Somalia Ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Rabitaanka Shacabka Somailand

0

Hargeysa May 19, 2011 (Berberanews)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer AwaklSuldaan Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan Suldaan Diiriye ayaa hambalyo guud ahaan Bulshada Somaliland meel kasta oo ay jogaan Munaasibada 18-May ee Sanadguurada 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxaana uu ku amaanay sida wadaniyada lahayd ee ay u muujiyeen isku duubnidooda isagoo Illaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo iyagoo Ictaaf ka helay Beesha Caalamka

 

Suldaan Xasan oo Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ugu waramay Magaalada Hargeysa, waxa uu ugu baaqay Madaxdhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta Somaliya in la gaadhay wakhtigii la qiri lahaa waxa ay qabsatay Somaliland isagoo u jeediyay in ictiraafka Somaliland uu iyaga gacantooda ku jiro isla markaana ay nabadgalyo waarta oo ka hanaqaada dalka Somaliya uu iyada ku xidhan yahay Somaliland oo ictiraaf ka hesha Beesha.

 

“Waxaan ugu baaqayaa, Madaxdhaqameedyada, Isimada, Malaaqyada, Siyaasiyiin iyo shacabka Somaliya in la gaadhay wakhtigii ay qiri lahaayeen waxa ay qabsatay Somaliland iyo shacabkeedu, waxaana ay qayb uga wayn ka qaadan karaan ictiraaf ay Somaliland beesha caalamka ka hesho, waxaanay markaa Somaliland si haboon uga shaqayn lahayd nabadgalyada Dalkaasi Somaliya”

 

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews