Taageerayaasha Waddani ee Burco oo Ciidda qariyay iyo Xiddigaha Geeska oo ka tumay

0

Burco(Berberanews):-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee ku dhaqan magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa isu soobax la yaable muujiyey Maanta oo ahayd maalinta afraad ee ololaha doorashada Madaxtooyada uu u lahaa Xisbiga Waddani, iyaga oo Taageerayaal Lug iyo Gaadiid-ba ku yimi Fagaaraha Khayriyada Burco ay halkaas Khudbado kala duwan uga jeediyeen Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Cabdiraxmaan-Cirro oo isu-soobaxa Arbacada Maanta kaga qaybgalay Burco.

Waxaannu Isu-soobaxa Layaabka leh ee ay Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani u muujiyeen Reer Burco Maanta, waxaannu iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-