Taasan U Indho Beelay WQ Abokor Omar Osman

0

Waa nolol  ay dhibtu  summadeeda koowad   tahay oo loo qaabeyey in qofka binu adamka ahi uu kaligii  baaxadago  oo ku  noolado si kasta oo ay arrini tahay ba ,  Waa nolol aan Ab iyo Isir toona u lahay, Tolnimo ,Qaraabo iyo  ilmaadeernimo toona , Waa nolol ay naxariista iyo islaanimadu ku yartahay haddana waa qaab loo fududeeyey in ay ku nooladan dadka laxaadka la’ marka la eegayo dhanka adeega loogu talo galay dadka laxaadka la’ Waxaa se’ aad  igu yaab noqotay markaan arkay qof binu adam ah oo indho la’  oo uu xayawaanka loo yaqan  (AY) usha u hayo oo uu hagayo  soona tusayo meelkasta uu magaaladda uga baahdo, Waxaa aad u cajiib badnayd Aygu ninkaa indhoha la’ isagaa u indho ah. Haddii aad soo eegto dhanka ninka indhoha la ama ay ishu ba kaaga dhacdo oo ay ishaadu dul istaagto Aygaa kugu ciyay qofka  (WAH WAH WAH ) oo kama lug baxaysid ilaa Ayga aad qanciso sababta ishadu ugu nasatay ninka indhoha la’ ee aan isagu ku arkayn marku uu maqlo cidda Ayga ninka indhoha la’ ayaa iskaguna  kor u dhawaqayaa oo ku odhanaya maxaad iga soo eegaysaa (Ma bil baa iga bilatay ) waa ba saleelo ninkuye  meeshana ka dhaqaaqimaysid oo idhahaga ayaad baxar ku doonatay ninka indhoolaha ah ee aad eegtay waxaa kaaga daran Ayga waday oo ayna garna galin garna ka bixin cidana joojinayn ilaa uu arraga qofka waayo mooyane  .

Waxaa intaasi ka sii daran qofkaa indholeha ahi iskuma haysto in uu yahay qof waxi kamaqan yahay waa qof aan dhulka is dhigin oo aan lahayn adigu tani baabad u idho laadahay wax kastaaba  systemka iyo Electronika noqdeen waa qof isku  kalsoon oon is dhiibayn , Nolosha meesha taalana maaha nolol cidi cid u arxamayso qofkasta sacada ,minite , iyo seceondkuba qiimo aayuu ugu fadhiyaa qorshihiisan kumay jirin inuu qof idho la’ oo suuqa kaga soo hor baxay caawiyo oo qofkastaaba wuu ordayaa oo nolosha ayuu xarbi kula jiraa, Waa noloshaa dadkii daayo Aydii laga faa’iidaystay inagana markaad dib inoo eegto nolosheena dadkii baa awoodoodi laga faa’idaysan kari laayahay oo la jihayn laayahay,  Reer galbeed inagama aqli badna balse way iga fikir bateen, Aqliga Alle wayne binu adamka oo dhanba wuu wada siiyey waxaa se’ ay binu adamku isku dhaafeen qofba inta uu isticmaalo .

Dhan marka laga eegana waa nolol ay ku kale bixi karaan qofka kartida leh iyo qofka dhufayska ka dhigta arrimaha kuwooga liita  ee ay ka midka yihiin qaraabo hiilka iyo reer hebelnimo ku faanku .

 

Qore: Abokor Omar Osman

                Ottawa, Canada

Abokoromer@gmail.com