Tababaraha Man City oo digniin u diray Kooxaha Arsenal, Dortmund iyo Inter Milan

0

Ciyaaro-(Berberanews)-Tababaraha Kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa hoos udhigay wararka sheegaya in uu iska iibin doono Bisha January weeraryahankiisa Edin Dzeko.
Dzeko ayaa dhaliyay 7 gool, 14 kulan oo uu saftay dhamaan tartamada xili ciyaareedkan, hase ahaatee kuma aanu soo bilaaban horyaalka England ilaa dhamaadkii bishii September.

Bandhiga wanaagsan ee Sergio Aguero iyo Alvaro Negredo ayaa keenay in kursiga keydka lagu iloobo  Dzeko, waxaana lala xadhiidhinayay in sanadka cusub uu ka tagayo Kooxda City.
Arsenal, Borussia Dortmund iyo Inter Milan ayaa si weyn loola xadhiidhinayay weeraryahankan qaranka Bosnia-Herzegovina international, kaas oo jecel in xili ciyaareedka soo socda uu ka ciyaaro Koobka Aduunka Brazil.
Si kiastaba Macalin Pellegrini ayaa qiray in 27-jirkaan uu kusii nagaan doono City, isla markaana aanu iibin doonin marka suuqa uu dib ufurmo bisha January.Sunderland-v-Manchester-City-Edin-Dzeko_3033797

“Maya, marnaba  Dzeko iib maaha, aad baan ugu kalsoonahay” ayuu yidhi macalinka dalka Chile Pellegrini.
“Kooxda aad ayay muhiim ugu tahay inay haysato ciyaaryahano wanaagsa, waxaa nasugaya kulamo badan ilaa bisha April, hadii aan doonayna inaan koob qaadnaa waxaan ubaahanahay ciyaaryahano muhiim ah, waan ogahay in xiligan aanu uciyaarayn sidii uu rabay, hase ahaatee waxaa uu qeyb kasii ahaan doonaa ciyaaryahanadeena muhiimka ah” ayuu hadalkiisa raaciyay Pellegrine.