Taliyaha Ciidanka lugta Somalia oo ka hadlay weerar xalay loogu geystay Gaalkacayo

0

Taliyaha ciiddanka lugta dowladda federalka Soomaaliya, sareeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa ka hadlay weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu weeraray isaga iyo saraakiil kale oo ku sugnaa Gaalkacayo.

Taliyaha ayaa sheegay in habo yaraatee aanu jirin wax khasaare oo isaga iyo saraakiishiisa kasoo gaadhay weerarkaas, balse qaar kamid ah ciiddamadiisa ay ku dhaawacmeen.

Taliyuhu wuxuu tilmaamay gaadhiga qaraxa ku xidhnaa in lagu dhuftay gaadhiga uu la socday, taasoo keentay in 6 kamid ah ciidamadii istaafkiisa ahaa ay ku dhaawacmaan.

Waxa uu sheegay si kastoo oo Alshabaab iskugu dayaan inay soo weeraraan aynan hakindoonin shaqada uu qaranka u hayo, waxaa kale oo sheegay inay ka xunyihiin dhibaatadii shacabka gaadhay.

Ugu yaraan 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarkaas oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 35 qof oo kale.

Kooxda Alshabab aya sheegatay masuuliyada weerarkaan.