Tamashleynta xukuumadda iyo Somaliland oo dad iyo xoolaba khatar ku sugan

0

Waxa ayaan darro ah in xukumaddii iyo xisbigoodii ay daba ka riixayeenba manta ay ku taabaan “ waa in doorashadu xilligeedii dhacdaa” taasi waxay kuu cadeyneysaa iney ka soo horjeedaan rabitaanka iyo danta dalka iyo dadka.  Shalay bay ahayd iyadoo aanay dalka wax dhibaato ahi aanay ka jirin ay lahaayeen doorashada dib ha loo dhigo oo ay dhacdayiney dib u dhigaan maantana markay arkeen xaaladda adage ee dalka ka jirta iney ummadda ku tiiqtiiqsadaan oo ay yidhaahdaan doorashadu waxay ku dhacaysaa xiligeedii, bal horta aynu isweydiino xaaladda dalku ku jiro haddii aanu Ilaahay faraj inoo furin oo roob inoo shubin sideynu ku gaadhi karnaa doorasho yaase codeynanaya.

Taasi waxay ku tuseysaa in xukuumadda iyo xisbigeedu aanay danta dalka iyo dadka ee ay u muuqato oo kaliya kursiga iyo boobka hantida ummadda.  Waxaan ummadda iyo shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa iney eegaan danta Somaliland oo ay dhinac uuga soo wada jeestaan Xukuumaddan hantidooda boobaysa oo manta oo abaarahaa xumi dalka ka jiraan bilowday iney ku tamashleyso baabuur cusub iyo daarodhaadheer intii hantida umadda ee hadhayna rabta iney sii xaraashto.

Aynu u diyaar garoono ineynu xumaha diidno oo samaha ku dhaqanno, been danbe oo aynu arkeyno yaan leynoo sheegin. Xaaladda abaarta xun ee ina haysata aynu dhinac uga soo wada jeesano oo dadkeena wixii aynu tari karno u qabano.

Ahmed Mohamed (Jowhary)

MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA