TELESOM oo ku gacan-saydhay go’aanka dawladdu ka soo saartay Sixir-bararka

0

Hargeysa(Berberanews):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa jawaab ka bixisay sida ay u aragto go’aannada shalay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ka soo saareen Sicir-bararka Sarrifka Doollarka, ka dib markii Bannaan-baxyo ka dhan ah ay Ganacsatada dhexe iyo hoose iyo weliba Shacabku ka sameeyeen magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa oo shalay Suuqyada Ganacsiga qaarkood saacado badan xidhnaayeen.

Go’aannada Golaha Wasiirradu soo saareen oo uu Madaxweynuhuna xalay Digreeto ku dhaqan-geliyey, waxaa ka mid ah inaan Adeegyada ay bixiyaan Shirkadaha Telesom iyo Somtel ee Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada gacanta la isugu diro lagu diri karin wax ka yar Boqol Doollar, isla markaana la badiyo xaddiga Lacagta Shilinka Somaliland ah ee lagu diri karo Adeegyadaas.

Hase-yeeshee, Shirkadda Telesom, ayaa ka jawaabtay go’aammadaas, isla markaana ku tilmaantay kuwo aan suuragal ahayn oo ay u aragto in loogu danaynayo Ganacsato gaar ah, sida ay xalay Baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u jooga Somaliland Axmed Siciid Cige oo Warbixintan diray, waxa uu yidhi; “Shirkiidda Telesom ayaa ila soo xidhiidhay markiiba, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Bulshada Cabdiwahaab Maax, waxa uu sheegay in aan haba-yaraatee habka Zaadka Shirkaddooda Telesom ee lacagaha la isugu diraa Moobbeellada (Taleefannada gacanta) aanay saamayn ku lahayn qiimo dhaca Lacagta Somaliland, horena Khoboro aqoon lihi u caddeeyeen, Adduunyadana laga isticmaalo.”

Weriye Axmed Siciid Cige oo sii watay Warbixinta uu BBC-da siiyey oo uu isagu tebinayey, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Arrinta ah Boqol Doollar wax ka yar la isuguma diri karo Taleefannada; taa macneheedu waxa weeyaan buu yidhi; ‘halla xidho Zaadka,’ waxaanu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye inay u arkayaan qaraar Siyaasadeed oo loogu danaynayo Ganacsatada qaar. Waxa uu sheegay Afhayeenka Telesom u hadlay inay isticmaalaan Dadku Boqol Doollar wax ka yar, hal Doollar illaa boqol Doollar wax ka yar inta badani.”