Tevez oo sheegay in laba kooxood mid uu ku biiri doono

0

Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo  Kooxda Man City Carlos Alberto Tevez ayaa si buuxdo ugu dhawaaqay inuu ka tagi doono kooxda Man City oo heeysata Koobka FA-Cup.Carlos Alberto Tevez waxa uu sheegay in la gaadhay wakhti uu iskaga tagi lahaa kooxda Man City wuxuuna sheegay in uu ku biiri doono labada kooxood ee kala ah Inter Milan iyo Real Madrid midkood.  Warka Carlos Tevez ka dib waxaa Skysport Wareeysi siiyey Macalin Robert Mancini oo yidhi sidan : ” Maamulka Man City iyo Anigaba waxaan u aragnaa hadalka Carlos Tevez mid iska hadal ah oo aanan laga fiirsan maxaa yeelay Tevez waxa uu kooxda kula joogaa Heshiis ama Qandaraas uu saxeexay oo ku eeg ilaa Sanadka 2014-ka wuxuuna Naadiga ka tagi karaa marka aan inaga fasaxno ama iska Iiibino Waxaa iska cad in uu Jiro khilaaf hoosaad xoogan oo u dhaxeeya Tababare Robert Mancini iyo Weeraryahan Carlos Alberto Tevez.
Horay waxaa kooxdaan isaga cararay oo la celin waayey Weeraryahan Sheyi Emmanuel Adebayor oo ku biiray hada kooxda Real Madrid ka dib markii uu diiday inuu kursiga kaydka galiyo Macalin Mancini. Raadiyowga dalka Argentina ugu caansan ee lagu magacaabo Radio del Plata waxa uu sheegay in Ciyaaryahan Tevez uu yahay Xiddig ku caan baxay isku badalida ama u kala wareegashada kooxaha.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com