Toban Arrimood oo Fidel Castro u Galay Diiwaanka Taariikhda Afrika

0

Hoggaamiyihii dalka Cuba (Kuuba) Mr. Fidel Castro oo dhawaan geeriyooday, ayaa noqday masuul taariikhda ku galay waxyaabo uu sameeyey muddada uu dalkaas xukumayey oo ahayd bishii January 1959 ilaa February 2008, isagoo markii dambe xukunka ku wareejiyey walaalkii ka yar Mr. Raul Castro, kadib markii caafimaadkiisu xumaaday.

Intii uu xilka amma awoodda dalkaas haystay waxa uu xidhiidh wanaagsan la lahaa hoggaamiyayaal badan oo Afrikaan ah iyo rag xorriyad amma madaxbannaanida dalkooda u dagaalami jiray, sida Kwame Nkruma oo Ghana ah, Nelson Mandela oo Koonfurta Afrika ahaa, Julius Nyerere oo Tansaaniya ahaa iyo Augustinho Neto oo Angola ahaa.

Hoggaamiye Fidel oo geeridiisa lagu dhawaaqay 25 November 2016, isagoo 90 jir ah waxa jiray waxyaabo gaar ah oo u galay diiwaanka taariikhda Afrika oo ay ka mid ahaayeen tobankan arrimood:173186052_1480140571-300x272

 Faragelintii Millateri ee dalka Angola

 Bishii November ee sannadkii 1975kii, waxa uu Fidel Castro  ciidammo gaadhaya 36,000 (36 kun) oo askari  u diray dalka Angola si uu ugu taageero dalka faragelin millateri oo kaga imanaysay dhinaca waddanka Koonfur Afrika, kadib markii uu dalka Koonfur Afrika weerar ku qaaday dalka Angola.

Waxa waqtigaas uu ururka MPLA ogolaaday in ururka SWAPO (South West African People’s Organization) uu xarun millatri ka samaysto xuduudka ay Angola la leedahay dalka Namibia. SWAPO waxa uu ahaa urur u dagaalama madaxbannaanida gobolkaas, gaar ahaan Namibia, iyagoo taageero ka helaya Angola.

Waxa Dhiirigelin ka helay Mandela

Intii uu Nelson Mandela ku guda jiray 27 sannandood ee ku qaatay xabsiga ku yaal Jasiiradda Robben Island, waxa uu Nelson Mandela dhiirigelin ka helay buug kacaaneed uu qoray Castro. Markii Nelson Mandela xabsiga laga sii daayey sannadkii 1990 waxa uu yidhi; “Waxa aan maanta aqoonsanahay wanaaga aan u hayno dadka reer Kubba. Ma jiro dal kale oo sida Kubba tusay Afrika in isku kalsoonida dal ahaaneed wanaagsan tahay.”

Waxa uu ciidan ku Taageeray dalka Itoobiya Dagaalkii ay kula Jirtay Soomaaliya

Bishii February ee sannadkii 1977, ayaa Fidal Castro waxa uu kun askari ku caawiyey Itoobiya si ay uga saarto ciidammadii Soomaaliya ee qabsaday Gobolka Ogadeeniya amma Kililka Shanaad hadda loo yaqaan. Markii ciidammada Soomaaliya ku guulaysteen in ay dhulkaas qabsadaan, ayaa Haile Mariam oo hoggaaminayey ciidammada Itoobiya uu u qaylo-dhaan dirsaday Fidal Castro, taasina ay keentay in ciidammada Soomaaliya dib looga soo saaro dhulkaas

Soomaalidu way Necbayd:

Bulshada Soomaalida intooda badan ee aqoonta u lahaa Fidel Castro waxay ku eedeeyaan inuu masuul ka ahaa burburinta Soomaaliya iyo waliba dadkii ku naf waayey dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray sannadkii 1977kii.

Waxa soo baxday dhaleecayno iyo cambaarayn badan oo ka soo yeedhayey Soomaalida markii uu geeriyooday bishan, kuwaasoo ku eedaynaynayey inuu ahaa nin dhul ballaadhsi iyo gumaysi jeclaa.

Hoggaamiyaha mucaaridka Kenya Mr. Raila Odinga oo wiilkiisa ugu magac Daray Castro:

Hoggaamiyaha Mucaaridka ugu rabshada badan dalka Kenya ee Raila Odinga, in badanna lagu naanayso xorriyad u dagaallanka, ayaa sheegay inuu wiilkiisa u bixinayo magaca hoggaamiyihi geeriyooday ee Kubba Mr.  Fidel Castro. Waxa uu Raila Odinga xusay in Castro uu aad u jeclaa oo uu ahaa haldoor uu ku daydo, taasina sabab u noqotay inuu 1973kii inankiisa u bixiyo Fidel.

Taageeradii Caafimaad:

Hoggaamiyihii Kubba waxa uu bilaabay inuu taageero caafimaad u fidyo dalal Afrika ka mid ah. Sannadkii 1963kii waxa uu dhakhaatiir u diray dalka Algeria si ay u daweeyaan dagaalyahanno ku dhaawacmay dagaal ay kaga soo horjeedeen gumaystihii Faransiiska. Waqtigan waxa jira in ka badan 1,5000 xirfadlayaal caafimaad ah oo ka hawlgala dalka Woqooyiga Afrika. Waxa jira dalal kaloo dhakhaatiir uu u diray sida Ghana, Tansaniya, Mosaanbiig, iyo Guinea Bissau. Dhakhaatiirta Jasiiradda Kubba waxa ay door muhiim ah kaga jireen la-tacaaladii iyo ka hortagii cudurka Ebola ee galbeedka Afrika ka dillaacay…la soco…

Gambiya: Waashmaankii Madaxweynaha Noqday!

Mr. Adama Barrow oo noqday madaxweynaha cusub ee dalka Gambiya ee qaaradda Afrika, kadib markii uu ku guulaystay doorasho ka yaabisay dadka, waxa uu ahaan jiray waashmaan, aakhirkiina waxa u noqday dadka horumariya hantida (Property), weligiina ma uu qaban xafiis dawladdeed.

Guusha uu ka gaadhay doorahsada dalkan yar ee galbeedka Afrika, waxa ay cajiib iyo anfariir ku noqotay dad badan oo caalamka ah, waxaanay ka cajiib badatay doorashadii Madaxweynaha Marayanka ee Donald Trump.

Mr. Adam Barrow waxa uu doorashada kaga guulaystay Madaxweyne Yahya Jammeh oo xukunka dalka Gambiya hayey muddo ka badan 20 sanno, waxaannu rumaysnaa inuu xilka dalkiisa hayn doono ilaa inta Ilaahay (SWT) yidhaah, xaataa haddii ay gaadhayso hal bilyan oo sanno.

Ka hor intii aan xilka loo dooran Madaxweynaha cusub oo 51 sanno jir ah inuu murrashax u noqdo si uu metalo toddoba urur mucaarid oo Gambiya ka dhisan, waxa uu 10 sannadood ka shaqaynayey horumarinta hantiyaha, aakhirkiina waxa uu samaystay xarun uu gaar u leeyahay oo hantida dadka u kala iibisa sannadkii 2006.

Horraanta sannadkii 2000-kii waxa uu ku noolaa dalka Ingiriiska muddo sannado ah, halkaas oo kaga shaqayn jiray ilaalo amma waashmaan bakhaar la yidhaa Argos oo ku yaal waqooyiga magaalada London, halkaas oo uu ku bartay kala iibinta hantida ma-guurtada (Real Estate Qualification).

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa qoray inuu ilaalin jiray dukaan la ku yaal magaalada London, gaar ahaan dariiq la yidhaa Holloway Road, marar badanna uu xidhay muwaaddiniin dukaanka xaday oo lix bilood oo xadhigga ka laacay.

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambiya Mr. Barrow waxa uu malaayiin Afrikaan ah kala mid ahaa taageerada kooxda kubbadda cagta Ingiriiska ee Arsenal.

Waxa uu dhashay sannadkii 1965kii oo ku beegnayd sannadkii dalkiisu xorriyadda ka qaaday dalka Ingiriiska, taasoo uu ku dhashay tuulo yar oo u dhaw suuqa caanka ka ah Gambiya ee la yidhaa Basse oo ku yaal bariga dalkaas. Waxa uu ka soo jeedaa qabiilka Fula ee dalkiisa deggan.

Inta badan waxa uu ololahiisa ku doodi jiray inuu doonayo dhisida garsoor madaxbannaan, fasaxidda xorriyatul-qawlka, gaar ahaan warbaahinta iyo xoojinta ururrada rayidka ah.

Xorrnimadii Koonfur Afrika

Hoggaamiyihii Kuuba Mr. Fidel Castro waxa uu ciidammo millateri ah ku caawiyey iyo waliba taageero afkaareed ururradii u dagaalamayey xorriyada dalka Koonfur Afrika. Inta badan waxa ciidammada jabhada Koonfur Afrika xorriyadeeda u dhaqdhaqaaqayey tobabar ku qaadanayeen dalka Kuuba, waxa kaloo waliba weheliyey Koonfurta Suudaan jabhadaheedii xorriyad-doonka ahaa oo inta badan xidhiidhka ay Latin Ameerika la lahaayeen aad u yaraayeen. Xidhiidhka jabhadaas la lahaayeen Kubba ilaa hadda wuu nool yahay, sababtoo ah hay’adaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka Angola waxa ay tobabar u tagaan Kubba.

 Jacaylkii uu Koonfur Afrika

Castro waxa uu xidhiidh aad u xooggan la lahaa Koonfur Afrika, gaar ahaan Nelson Mandela oo ahaa Madaxweynihi ugu horreeyey ee Madaw ah ee Koonfur Afrika yeelato, kaasoo inta badan dhiirigelin ka heli jiray Castro iyo waliba ururkii kacaanka ee Kubba. Markii Nelson Mandela uu bilaabay inuu ka hor yimaado midab-takoorkii caddaanku ku hayeen dadkiisa waxa uu aad ugu xidhnaa Castro.

Mandela Markii uu booqday Kubba sannadkii 1991kii, waxa uu Castro yidhi; “Maan booqan gurigaygii Koonfur Afrika, laakin wan jecelahay sida aan dalkayga hooyo u jecelahay.” Markii Castro booqday Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo caleemo saarka Mandela sannadki 1994kii, waxa uu ka khudbadeeyey xarunta xisbiga ANC (African National Congress).

Safarkii Ugaandhsi ee Tansaaniya

Castro waxa uu safar xasuus lahaa ku tegay Bariga Afrika si uu ugaadhsi u soo samayso, dalxiisna ugu joogo sannadkii 1974kii. Safarkaas waxa ku hoos duugnaa inuu dalalkan ku xoojiyo aragtidiisii Hantiwadaag amma shuuciyadda ahayd (socialist and Marxist governments), gaar ahaan wuxuu lahaa aragti ah inuu Qaaradda Afrika oo dhan aragtidaas ku muddo oo ay u iraab ahaan u siiyo Madaxdeeda.

Waxa u aad uga soo horjeeday in NATO weerarto Liibiya

Castro waxa uu aad u dhaleeceeyey ururka ay ku bahoobeen dalalka waqooyiga Atlantikada ee NATO (North-Atlantic Treaty Organization’s), gaar ahaan garabkooda millateriga oo hoggaanka u hayey weerarkii ba’naa ee dalka Liibiya lagu qaaday October 2011 si xukunka looga tuuro Qadaafi oo ay aad u necbaayeen. Waxa uu si toos ah u sheegay inuu aad uga niyad-jabay in Qadaafi la rido oo waliba maydkiisa si xun ay ula dhaqmaan jab-hadihii ku kacay. Waxa uu sheegay in Qadafi maydkiisa laga dhigaytay abaalmarin dagaal, diin ahaana aanay wanaagsanayn sida laga yeelay.