Totteham Oo Kaalinta 5aad Kala Baxday Liverpool, West Ham Oo Galbatay, Iyo Arsenal Oo Guul Daro Loo Xanbaariyey.

0

Kooxda Tottenham ayaa ka kaalinta shanaad ka gashay kooxda Liverpool, ka dib markii ay 2-0 ku garaacday ciyaar ka dhacday garoonka Anfield.Kubad fiican oo uu ka dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta Rafael van der Vaart iyo rigoodhe muran laheyd oo uu dhigay garsoore Howard Webb islamarkaana uu dhaliyay Luka Modric ayaa ku filneyd inay Tottenham ku garaacaan kooxda Liverpool, iyagoo ugu cadcad inay u soo baxaan Europa League.Haatan waxa ay hal dhibic ka sareeyaan Liverpool, iyadoo kulanka ugu danbeeya horyaalka ay Tottheham marti gelin doonto Birmingham, halka Liverpool ay u safri doonto Astonvilla.Liverpool waxa ay u baahnaan doontaa in ugu yaraan Tottenham bareejo gasho iyadana ay ka badiso Astonvilla si xilli ciyaareedka danbe ay uga qeyb gasho tartanka labaad ee yurub ee loo yaqaano Europa League.

Dhinaca kale kooxda West Ham ayaa u laabatay heerka labaad ee horyaalka Ingiriiska ka dib markii labo gool oo ay kala hormareen Wigan markii saddex gool loogu bedelay ciyaar ka dhacday DW Stadium.Demba Ba ayaa labada gool u dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta West Ham, lakiin qeybtii danbe ayay aduunyadooda is rogtay, ka dib markii uu bulisiyoon ka dhaliyay N’zogbia, waxaana barbareeyay Cannor Sammon oo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay Wigan, N’zogbia ayaana guusha u sahlay Wigan.Iyadoo West Ham ay xilli ciyaareedka danbe ka ciyaari doonto Championship-ka, Wigan ayaa iyagana fursad isku siiyay inay ka fakadaan inay heerka labaad u laabtaan. Wigan iyo Blackpool ayaa min 39-dhibcood leh, halka Blackburn iyo Wolves ay 40-dhibcood leeyihiin hal kulan ayaana ka hadhay horyaalka Ingiriiska.Wigan fursad fiican ayay heystaan oo ay ku joogaan Preimer League hadii ay ka badiyaan Stoke City axada soo socota.Dhinaca kale kooxda Aston Villa ayaa sii damaqday dhaawacii ku yaalay Arsenal, ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kulan ka dhacay garoonka Emirates.Labo gool oo uu ka dhaliyay Darren Bent ayay Astonvilla hogaanka ku qabatay, halka gool uu Arsenal u dhaliyay Robin Van Persie ay aheyd xilli danbe oo ciyaarta ay gabgabo tahay.Natiijadan ayaa Villa waxa ay siineysaa inay ku dhameysato horyaalka kaalmaha dhexe, halka Arsenal ay u dhici doonto kaalinta afaraad hadii Manchester City ay Beri ka badiso kooxda Stoke City.Arsenal ayaa waxaa ka maqnaa kabtan Cesc Fabregas iyo Samir Nasri, lakiinse waxaa Arsenal ku soo laabtay Thomas Vermaelen kasoo aan ciyaarin tan iyo bishii September.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com