Turkiga oo lagu toogtay Safiirkii Ruushka

0

Ankara(Berberanews):- Safiirkii dawladda Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara Ambassador Andrei Karlov, ayaa lagu dilay weerar maanta ka dhacay Caasimadda dalkaas Turkiga ee  fadhigiisu ahaa.

Safiirka oo si si darran loogu dhaawacay weerarka, kadibna loola cararay Cusbitaal ku yaalla isla Ankara, ayaa markii dambe ku geeriyooday Cusbitaalka dhaawacisa la gaadhsiiyey.

Dhawr ka mid ah Wakaaladaha Wararka Dunida, ayaa Sheegay in Weerarku uu dhacay xilli Karlov uu joogay Xarun lagu qabanayey Bandhig Farshaxan oo ka dhacay Caasimadda Waddanka Turkiga ee Ankara.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, Safiirka ayaa booqday Madxaf lagu soo bandhigay Sawirro oo la magac baxay; “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga.” Wararka ayaa intaas ku daray In Nin Hubaysani uu fuliyey weerarkaas, kaas oo markii dambe isagana ay Booliska Turkigu dileen sida warku sheegay.

Muuqaal Fiidyoow ah oo laga duubayay Munaasabadda, ayaa muujinaya Ambassador Karlov oo jeedinaya Khudbad markii ay xabbaddu dhacaysay. Wakaaladaha wararka Ruushka, ayaa iyaduna Baahisay Warkan, waxaanay sheegtay in dhawr Qof oo kale lagu dhaawacay Weerarka lagu qaaday Andrei Karlov.