“U malayn maayo in gooni Isu -taaga Somaliland cidi is hor-taagi doonto, Passpor-ka Soomaaliya sababta aanu u mamnuucnay waxay tahay ……. M. Biixi Yoonis

0

 Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, oo safar shaqo ku jooga wadanka Ingiriiska , ayaa ka waramay arimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay rajada wada hadalada Soo socda ay xukuumadiisu ka qabto iyo  sidoo kale sababta ay xukuumada Somaliland u joojisay in wadankeeda lagu soo gallo, lagagana dhoofo passport-ada dowlada Soomaaliya.


Maxamed Biixi Yoonis, oo ay waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Idaacada BBC, laanteeda Afka Soomaaligu , wuxuu sidoo kale kaga waramay aragtidiisa khilaafka hadheeyey xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye , laakiin wuxuu ugu horeyn ka xog waramay sababta safarkiisa UK iyo cida uu kula kulmay halkaasi : “ Waxaan La Kulmay wasiiro iyo niman badan oo Baarlamaanka ku jira oo aan u imid inaan aad iyo aad ugu sharxo qadiyada Somaliland iyo meesha ay maanta taagan tahay, kuwa xaga mucaawinada sidaad la socoto Divid waxyaalo badan bay Somaliland tartaa, weyna nala shaqaysaa, howlo badana wey noo qabataa, marka waxaan u imid inaan ka wada hadalo saan wax u wada qabsan lahayn. Iyo waxqabadka ay na siiyaan intuu leeg yahay ugana mahad-naqo waxay na tarayaan.”wasiirka a debedda

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, wuxuu sheegay in Dowlada imika ka dhisan Soomaaliya , ay tahay dowladii ku haboonayd inay kala hadlaan qadiyada Kala baxa labada Wadan iyo wada shaqaynta dhinaca derisnimo wanaaga. “ Somaliland labaatan sanadood ayay sugaysay inay gooni isu taagto, markii horena dowlad lala hadlo oo Soomaaliya ahi ma jirin, hase yeeshee maanta waxa timid iyadoo ay jirto Soomaaliya Dowlad dadku aqoonsan yihiin inaanu wada hadalo la bilowno, kana wada shaqayno sidii aanu walaaltinimo iyo wanaag ugu kala tagi lahayn, anagoo is jecel oo jaar ah.”
Mudane Biixi wuxuu tilmaamay rajada ay xukuumad iyo shacaba ay ka qabaan wadahadalada loo ballan san yahay inay dhex maraan wadamada Somaliland iyo Soomaaliya inay noqdaan kuwo lagu faaqido habka ugu haboon ee sida ugu dhaqsaha badan loogu kala bixi lahaa looguna noqon lahaa Laba wadan oo jaarnimo iyo is aamin ka dhaxeeyo. “Wada-hadaladu dabcan in aad ah ayaa la kala maqnaa marka waxa muhiim noqotay in Trust ( is aamin ) la abuuro, in dadku isku soo dhawaado , in wada hadaladii bilaabmaan, in waxyaabo faro badan oo labada dhinacba dan u ah laga wada hadlo. Hase yeeshee waxaanu filaynaa wada hadalada dambe ee soo socda inaanu kaga wada hadalo sidii ugu dhaqso badnayd labada wadan ee walaalaha ahi u kala bixi lahaayeen una kala tagi lahaayeen  inaanu ka wada hadalno.”
Wasiirka oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey sababta ay mudada 23 ka sanno ah ugu qaadatay Somaliland inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi, wuxuu yidhi “ Walaahi dadku waxay aaminsan yihiin iyo sida ay xaqiiqdu tahay waa kala laba , dowladaha jaarka ah waanu u sheegnay , waanu la kulanay, Ethiopia , waa la kulanay Djibouti, kamana qarsana dowladaha aanu jaarka nahay, dadka reer Somaliland waxay goosteen, hase yeeshee in aadaanu sugaynay inay Xamar is habayso oo ay noqoto dad aanu wada hadli karno oo walaaloo si fiican aanu u kala baxno, tiina wey socotaa, dabcan hayadaha caalamka iyo wadanada jaarka ah iyo IGAD-kaba si cadaan ah baanu ugu sheegnay in masiirkayagu kaa yahay, una malayn maayo inay cidi is hortaagi doonto.”.
Joojinta ay Somaliland joojisay aqoonsiga dalku galka Soomaaliya , oo ahayd arin indhawayd si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland , su’aalo iyo muran badana dhalisay , Mudane Maxamed Biixi wuxuu ku macneeyey inay tahay arin ay isla garteen wadamada Jaarka ah , isla markaana lagu xoojinayo oo lagu ilaalinayo amaanka Somaliland iyo wadamada ay dariska la tahay; isagoo arimahaas faah-faahinayana waxa kamid ahaa hadaladii wasiirka : “Arinkan Passporada waad la socotaa, Somaliland waa wadan nabada, waad la socotaa wixii ka dhacay Nairobi, waad la socotaa wixii Addis ababa ka dhacay, waxaanu ku dedaalaynaa inaanu xuduudahayaga iyo wadan kayaga nabad-galyadiisa sugno. Sidaa aygeedna xataa waxyaabo badan oonu u diidnay dad Passporada Soomaaliya sita inay ka gudbaan ooy Ethiopia galaan oo dhibaato ka ridaan. Marka wadanada Jaarka eenu anaku u aragno inaanu saaxiib nahay oonu ka ilaalinayno inay dhibaato ka dhacdo

, waxaanu isla garanay inaanu xoojisano nabadgalyadayada, Passport kayaga Somaliland-na waanu ku tagnaa wadamadaas.”
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland , wuxuu ugu dambeyn si kooban u sharaxay arinta khilaafka xisbiga talada haya ee Kulmiye oo kala qayb sanaan iyo is qabqabsi soo kala dhex gallay xubnaha ugu muhiimsan xisbigaasi. “Walaahi uma arko in dhibaato Soo korodhay, ama xisbiga talada haya ha noqdo ama xisbi mucaarad ah ha noqdee, waa la iska hor imanayaa. Laakiin ugu dambeynta waxaanu ku tallo jirnaa in dadku wada-hadalo iyo wanaag ay howlohooda ku dhamaystaan, marka wada hadalada iyo khilaafku waxay ka mid yihiin, dimuqraadiyada aanu aad iyo aadka u tixgalino.”

Berberanews.com
info@berberanews.com