“Ummadda Somaliyeed La,aantood Magacaygu muuqan-maayo” Abwan Laabsaalax

0

Hargeysa-(Berberanews)-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ku baahiyey bartiisa Facebooga kaga hadlay arimo badan oo bulshadu dhankay doonaan u qaada dhigayeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubnihii Kooxda Xiddigaha Geeska laga saaray iyo qaar Abwaanka gaar u khuseeya.

Qoraalka Abwaan Dhuxul waxaa uu u dhignaa sidan;-“Dad Badan oo Fariimo i soo Qoray ayaa Jira oo Iga Mudan in inaan Qanciyo! Qaarkood Waxay I yidhaahdeen
waxaa tahay babyaaladiiste! qaar kalena xubnaha Xidigaha Geeska laga saaray Xamar bay tageen darteed baa looga Saaray!
Marka Koowaad!……Anigu Abwaan Reera ma ihi, mana ihi abwaan meela, mana ihi abwaan Taageerayaashiisa iyo Shicibkiisa qaarna Soo dhawaysta Qaarna iska Fogeeya,
Umada Somaliyeed La,aantood Magacaygu muuqan-maayo, Suugaantay-duna macno Yeelan-mayso,
Run ahaantii Xeer Hoosaadka Xidigaha Geeska Meelna Kagama taalo in Xubinmada kooxda Lagu waayayo meel La tago.
Hadii Xubinmada Kooxda Lagu Waayayo xamar bay tageen:: Anigaa hore u Tagay oo xubno kale ayaa Tagay oo maanta kooxda ka mid ah
kumana waayin xubinmadooda xamarbay tageen!
ARINTA QABYAALADA!
Shalay Markii Curadka Kooxda Mursal muuse Cumar iyo khadra cabdi sinimoo Laga saaray kooxda maxay qabyaalad u noqon wayday ee ay maanta u noqotay
markii Aniga iyo bk- isna kooxda laga saarayay Ana xilka la iga wareejinaayay maxay qabyaalad u noqon wayday ee ay maanta u noqotay—
Taageerayaasha Xidigaha iyo inta Fankayga Jecelna Waxaan Leeyahay Eediina iyo Dhaliishiina waxaan U Arkayaa Toosin.
Mana jiro Qof Shacabkiisa ka Maarmi kara Waanan Ku Qasbanahay inaan Dhaliishiina Aqbalo
Horana Anaa Idiin idhi imikana idin leh”” Xidigaha Geesku Waa Fanaaniin Umada Somaliyeed u Heesta waana Fanaaniin Reer Somaliland ah Taasina Markaan Xumaan laga soo saarayn u Malayan Maayo in ay jirto cid nagu Dhibsanaysaa.
Afxumada la buunbuuno iyo, Burushka Ceebayntu Bini Aadmi-nimaduu ku yahay, Waxaan Banaanayne Hadaan balada laga Foojigaan, Waa Barkuma taal
Wixii Talo iyo Toosin ah Inaad nala Wadaagtaan Waa Noo muhiiim
Emailkana waaad Noogu Soon Diri Kartaan.
Xidigaha.geeska4@gmail.com
Waad mahadsantihiin