Ururka SOLJA oo Xukuumadda ugu baaqay inay Xabsiga ka sii dayso weriye ku xidhan Saylac

0

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska iyo shirkadda Xukuumadda Somaliland siisay inay Ciida magaaladda saylac u Iib-geeyaan Jabuuti, inay sida ugu dhakhsaha badan Xorriyaddiisa ugu celiyaan Wariye Cali Xajar, oo maalintii saddexaad si sharci darro ah ugu xidhan saldhiga Saylac.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga wariye Cali Xajar mid baal marsan sharciga Saxaafadda Somaliland oo awood u siinayaa wariyayaasha ka hawl-galaa inay wararka u raadsan karaan si madax banaan oo aan ka hor imanayn nidaamka war-doonista ee Xeerka Saxaafdadu jideeyey.

Ururka SOLJA, ma arko sabab sharci ah oo wariyahaasi u xidhan yahay muddada saddexda cisho ah, iyadoo illaa hada Maxkamad la horkeenin, halka markii hore-na qabashadiisa loo maray Nidaam sharci daro ah.

Ururka SOLJA mar kale waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska inay Xorriyaddiiisa u soo celiyaan wariye Cali Xajar. Isla markaana u ogolaadaan inuu shaqadiisii uu ka hayey Telefishanka STAR dib u bilowdo.

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland talaabooyinka ay qaaday labadii bilood ee sanadkan cusub inay yihiin kuwo kordhinaya xadhiga sharci darradda ah ee lagula kacayo Suxufiyiinta, halka labadii sano ee ka horeeyey ay Hoos u dhaceen.

Maxamud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA