Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Suxufiyiin Xukuumaddu Xabsiga U Taxaabtay

0

(Berbera news) Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa  si adag uga hadlay xadhig ay Xukuumadda Siilanyo 48 kii saacadood ee ugu danbeeyey kula kacday Wariyeyaal iyo Agaasimayaal Telefiishano ka hawl-gala dalka .

Guddoomiye Xuuto ayaa eedeymo u jeediyey hay’adda amaanka oo uu ku eedeyey in ay sifo sharci-darro ah u xidheen Mulkiihii telefishanka Universal Tv islamarkaana xoriyadiisa u soo celiyeen, isaga oo aan wax danbi ah lagu soo oogin. Maxkamadana aan la geyn.

Halkana ka daawo.

Berbera news.