“waan kaa aqbalay iska-casilaaddaada..” Madaxweyne Silaanyo

0

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa aqbalay iscasillaada Guddoomiyihii Gobolka Hargeysa ee uu xalay xilkaas u magacaabay Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) oo ka cudur-daartay xilkaas.

Sidaana waxa lgu sheegay war-saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cigeh ((Dayr).

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:       Aqbalaad Istiqaalad

Ku:      Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

            Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex                               Hargeysa

 Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                          Hargeysa   

    

Mudane,

 Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

 Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.