Wadahadalka dhexdhexaadinta ah ee Somaliland iyo Soomaaliya

0

Waxa la Hirgeliyey Shardi Dowladda Somaliland ku Xidhay Wadahadal ay la Gasho Soomaaliya

Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Wadahadalka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa lagu go’aamiyey shirweyne caalami ah oo ka qabsoomay dalka Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 23 February 2012-kii, kaasoo lagu bayaamiyey inay jirto baahi xooggan oo ah in Beesha Caalamku taageero ka gaysato wadahadal ka dhex mara dalalka Somaliland iyo Soomaaliya (xiligaas oo ay jirtay Dowladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee TFG), si ay Somaliland iyo Soomaaliya heshiis uga gaadhaan nooca uu noqon doono xidhiidhkooda mustaqbalku, waxaanna arrintaas lagu xusay qodobka 6-aad ee 24 qodob oo ka soo baxay shirkaas.

Shirar gogol-xaadh ahaa oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska 20-21 June 2012 iyo magaalada Dubay ee waddanka Imaaraadka Carabta 28 June 2012, kadib waxa si rasmi ah u furmay wadahadal ay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya si toos ah isku hor-fadhiisteen, kaasoo ka qabsoomay magaalada Ankara ee dalka Turkiga 13 April 2013, waxaanna shirkaas ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban heshiis toddoba qodob ah, iyadoo qodobka 3-aad ee heshiiskaasna lagu qeexay in cidda wadahadlaysaa ay yihiin labada dhinac ee kala ah; dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

Laga bilaabo xiligaas, waxa ay Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaadeen wadahadallo dhawr wareeg ah oo mid walba lagu kala saxeexday heshiisyo kala duwan ah, kuwaasoo aannu inta badan sidooda u wada hirgelin, cidda ugu badan ee heshiisyadaas kolba ka baxayeyna waxay ahayd Soomaaliya oo muujisay in aanay daacad ka ahayn wadahadalka labada dhinac, waxaanna wada-xaajood ay labada dhinac yeesheen ugu dambeeyey mid ka qabsoomay dalka Jabuuti bishii December 2014, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweyneyaashii Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, kadibna waxa shirkaas la iskula qaatay in kulan kale oo wadahadal ah la isugu soo noqdo, balse kulankaas oo la qorsheeyey in lagu qabto Turkiga bishii March ee sannadkii 2015-kii, ayaa fashilmay, kadib markii Ergadii wadahadalka ee ka socday Soomaaliya lagu soo daray siyaasiyiin xilal u haya dowladda Soomaaliya oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Somaliland.

Wixii intaas ka dambeeyey ma jirin ama ma qabsoonin wax wadahadal ah rasmi ah oo dhexmaray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo wada-xaajoodyadaas hore oo dhan ay ahaayeen qaar ay si toos ah u wadahadli jireen ergooyinka labada dal, iyadoo aanay jirin cid saddexaad oo dhexdhexaadinaysay. Dalalka wadahadalladaasi ka qabsoomeen ee Turkigu ugu badnaa waxa doorkoodu ku koobnaa marti-gelinta shirarka iyo fududaynta wixii suurtogelinaya in Somaliland iyo Soomaaliya iyagu ay dhexdooda ka arrinsadaan sida uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalku.

Hasayeeshee, shantii sanno ee u dambeeyey (2015 ilaa 2020), dowladda Somaliland waxay mar walba ku baaqaysay, soona jeedinaysay in la helo dhinacyo saddexaad oo si toos ah u dhexdhexaadiya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama aanay wax natiijo ah ka soo bixin wada-xaajoodyadii ay iyagu dhexdooda yeelan jireen intii u dhexaysay sannadihii 2012 ilaa 2014-kii, iyadoo ay dowladda Somaliland qaadatay mawqif ah in aanay Soomaaliya oo qudha la fadhiisan doonin miis dambe oo wadahadal, ilaa laga helayo cid labada dhinac si toos ah u dhexdhexaadisa ama u gar-naqda Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo uu shardigaasna dhawr jeer oo kala duwan uu ku celceliyey Madaxweyne Muuse Biixi, taasoo ay ugu dambaysay waraysigii uu siiyey Idaacadda VOA-da oo uu ku caddeeyey in Somaliland ay gole caalami ah oo goob-joog laga wada yahay ay kula hadli karto Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya, ayaa ka soo horjeeday go’aanka Somaliland qaadatay ee ahaa in la helo cid labada dhinac dhexdhexaadisa, waxayna madaxda maamulka Muqdisho u doodayeen in qaddiyadda u dhexaysay Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay qaddiyad u taal Soomaalida oo ay dhexdooda dhammaysan karaan, balse waxa labadii sanno ee u dambeeyey soo baxay dalal iyo Ururro Caalami ah oo danaynaya inay soo dhexgalaan khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasoo muujiyey inay diyaar u yihiin sidii madal furan loogu dhexdhexaadin lahaa labada dal.

Haddaba, sida ku cad qoraal marti-qaad ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti oo loo diray Midawga Yurub oo ka qaybgalaya kulanka dhexdhexaadinta ah ee dalalka Somaliland iyo Jabuuti uga furmaya 48-ka saacadood ee soo socda (Insha Allaah), waxay dowladda Jabuuti kulankan ku sifaysay inuu yahay mid wada-tashi ah oo lagaga arrinsanayo  dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya (mediation), halka sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qoraal kooban ku faafiyey Twitter-kiisa uu isna caddeeyey in kulanku yahay mid lagu dhexdhexaadinayo dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa kaloo ay Dowladda Jabuuti iftiimisay inay kulankaas dhexdhexaadinta ah ee uu Maraykanku hindisihiisa leeyahay ay goob-joog ka noqon doonaan Midawga Yurub, Midawga Afrika, Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo dhinacyo kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Marka ay sidaa tahay, waxa si cad u muuqanaya in si rasmi ah loo fuliyey shardigii Somaliland ku xidhay inay miiska wadahadalka la fadhiisato Soomaaliya, kaasoo ahaa in la helo cid saddexaad oo ka socda Beesha Caalamka oo dhexdhexaadiya labada dal, maadaama  aanay wax natiijo fiican ah ka soo bixin shirarkii hore ee ay keligood wadahadli jireen Somaliland iyo Soomaaliya, taasina waa guul hordhac ah oo ay durba gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland. Natiijada ka soo bixi doonta wadahadalka lagu dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aynu ka rajaynaynaa wax wanaagsan oo khayr inoo yeesha, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wixii aan intaas ahayna waxay ku ceeboobaysa, buugga madaw ee taariikhdana loo gelin doonaa cidda gacanta ku haysa talada dalka, shirkaasna ku metelaysa shacbiga Somaliland, halka wanaagga iyo guul kasta oo shirkaas uga soo hoyaya Somaliland ay libteeda yoolan doonto dowladda talada haysa, taariikhdana waxa lagaga qori doonaa baal dahab ah.

https://www.facebook.com/maasgouradi/posts/3159909790757069

Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland