Wahshintone: Dhegaysiga Dacwado dembiyo dagaal oo laga galay dad reer Somaliland ah- Waraysi

0

Washingtone-(Berberanews)-Todobaadkan bilowgiisii waxaa magaalada Washingone ka bilaabmay dhegaysiga dacwad dembiyo dagaal oo loo geystay shacabka reer Somaliland, kaasoo lagu soo oogay Yuusuf Cali Cabdi (Tuke) oo ahaa Taliyihii Guutada 5aad ee fadhigoodu ahaa magaalada Gabiley ee xukuummadii Siyaad Barre oo ay ku soo oogeen dad dhibanayaal reer Somaliland ah oo uu tacadi badan u geystay.

Dacwaddan oo ay qayb ka tahay Xarunta Dabogalka iyo caddaalada ee CJA, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhegaysigeeda qareenno caalamiya ah, dhibanayaal iyo markhaatiyaal.

Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq) oo dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay ka shaqaynayay arrimaha Xuquuqal-insaanka Somaliland iyo Geeskaba, haatana ku sugan dalka Maraylanka, ayaa shabakadda Berberanews uga warramay dacwadda dembiyada dagaal ee todobaadka ka bilaabantay magaalada Washingtone.

Waxaannan ugu horayn weydiinay waxay dacwaddu salka ku hayso, isagoo ka jawaanayana waxaa uu yidhi, “Dacwaddan waxaa oogaya Xarunta Dabogalka iyo caddaalada ee CJA, oo ah urur-xuquuqal-insaan oo u abuuran inuu dabogalo dadka dembiyada ka soo gala dalalkooda ee markay xukunnada laga tuuro Maraykanka yimaada ee lacagaha ay soo dhacaan la yimaada Maraykanka ee nolol cusub halkaas ka bilaaba. dadkaas dhagar-qabayaasha ah ayay daba galaan oo caddaallada ayay horgeeyaan. Xaruntan ayaa kiisaskan oogaysa iyadoo wakiil ka ah dadkii dhibanayaasha ka ahaa ee Somaliyeed ee lagu tuntay xuquuqdooda.”

kiiskana sababta loo oogayaa waxaa weeye dembiyo dagala iyo kuwo xuquuqal insaan oo Somalia ka dhacay oo dad Somali ahi isu geysteen, kuwii talada hayay iyo kuwii lo talinayay, kiiskana wuxuu ka mid yahay kiisaska faro ku tiriska ah ee wixii Somalia halaag ka dhacay caddaalada laysla tegay.”

Saleebaan oo ka jawaabayay cidda dhibanaha u ah kiiskan, ayaa waxaa u yidhi,’ “imika dhibanaha koowad waxaa la yidhaahdaa Farxaan Maxamed Taani, waxaa uu ku noolyahay magalada Gabiley, gaar ahaan deegaanka Jufo-uurray. ninka dembigua lagu oogayaana waa gaashaanle sare Yuusuf Cali Cabdi (Tuke) oo ahaa Taliyihii Guutadii 5aad ee sannadihii 87kii iyo 88kii ee xarunteedu ahayd magaalada Gabiley.”

Saleeban Xuquuq isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi,  “Farxaan isagoo aan qaan-gaadh ahayn ayaa tuke oo ciidan wataa ku kalaheen deegaanka Jufo-uurray, sababtuna waxay ahayd booyad biyood oo SNM-tu habeenkas ka afduubteen deegaanka Ceel-bardaale, markaa dadkii halkaas deganaa baa lagu yidhi idinka jidka tusay {SNM} oo wax siiyay markii ay afduubka samaynayeen. markaas ayaa dadkii la rogay oo sida ciida loobaabi’iyayisagoo [Farxaan} yar baa gurigoodii iskuweeer laga qabtay; waa la gubay xoolihii iyo wixi ay hanti haysteen oo dhan dab baa la qabadsiiyay oo inta shiidaal lagu shubay ayaa rasaas hareeraha layskala taagay, isagana waa la soo xidhay oo waxaa la keenay xerada Guutada 5aad ee Gabiley; Tukaana rasaas uu baaskoolladdiisa ka ridayay la dhacay, waxaannu joogaa imika washington Dc.” ayuu yidhi

Saleebaan oo ka hadlaya qareennada metalaya dadka dhibanayaasha ah ayaa wuxuu yidihi, “Qareennada u doodayaana waxa ka socdaan xaruntaas Center fod Justice and Accountability iyo urur qareenno caalamiya oo afartan wadan ka jira oo la yidhaahdo DLA. markaa ilaa sideed qareen oo isaga metelayay baa saaka hadlayay(shalay). kiiskuna wuxuu ka kbilaabmay Maxkamadda degmada ee Washington. saaka maxkammadu waxay dhegaysatay qareennada u doodaya dhibanaha, waxaa kaloo ay dhegaysatay safiir dawladda Somalia uga ahaa Maraylanka beri hore, oo ahaa ambassador dawladda Maraykanka u fadhiyay Muqdisho, kaasoo caddeeyay in dadkii ku noola waqooyiga xiligaas la gumaadayay. waxaa kaloo la dhegaystay Farxaan laftiisa oo ah dhibaha koowaad, markaa wuxuu sheegay dhibaatadii la gaadhiyay iyo cidii la gaadhsiisay oo ahaa taliyihii ciidanka ugu sareeyay ee Tuke oo goobjoog ka ahaa dacwadda lagu soo oogay.”

Saleebaan Xuquuq oo aanu wax ka weydiinay xukunka ay Maxkammadu ka soo saari karto kiiskan, haddii eedahaas lagu helo Tuke, waxaa uu sheegay in xukun adag oo magdhow iyo ciqaab leh uu mutaysan doono, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaana Tuke lagu xukumi doonaa Magdhow iyo Ciqaab ay maxkamadu saari doonto.”

Berberanews.com

info@berberanews.com