“Walaalayaal Jabuutiyeey 7 Saldhig Ayaa Idinka Furane, Maxaa…” Xildhibaan Nac-Nac

0

(Berbera news) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa jawaab ka bixiyey Hadal faro-gelin ahaa oo Dawladda Jabuuti kaga hadashay Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadku ka samaysanayso Magaalada Berbera.

Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa Dawladda Jabuuti ugu baaqay in aanay faro-gelin Arrimaha Somaliland, maaddaama oo iyaguna Saldhigyo badan ku yaallaan oo Dawlado Shisheeye leeyihiin.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay Jabuutiyeey tiinaba waxba kama sheegnee taayada waxba haka sheegina qaar kale ayaa iman doona, icitiraafku wuu iman doonaa haddii aad leedihiin la idinma ictiraafin, markaa idinkoo magaalada Hargeysa le’eg ayay 7 saldhig idinka furan yihiin mise waaba anagoo dal ah, walaalayaal ilaahay halkiina ha idinku barakeeye aynu kala ceeb la’aano”.

Berbera news.