War Deg Dega: Ciidammadda Booliska Berbera Oo Hudheel Kala Baxay Xisaabihii Shirkadda TOTAL

0

Berbera-(Berberanews)- Cutubyo ka tirsan ciidammada Booliska Berbera, ayaa caawa abaaro 11: 00 isku gedaamay hudheelka Shida-yare ee magaalada Berbera, halaasoo ay ka kaxaysteen xisaabihii shiradda gacanta u haysa haamaha shiidaalka Berbera ee TOTAL Cabdikariin Xuseen.

Ciidammo Boolisa oo uu horkacayo Agaasimaha Haamaha shiidaalka Berbera Shiine Cabdi Barkhadle, ayaa mar qudha isku gedaamay Hudheelka uu deganyahay xisaabiyaha TOTAL oo ay si foolxun ula dhaqmeen, islamarkaana ay u kaxaysteen xafiiska shiradda TOTAL ee magaalada Berbera.

Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysa qabashada khasnajiga shiradda TOTAL, haseyeshee sida ilo-wareedgo lagu kalsoomyahay u xaqiijiyeen shebekadda Berberanews in lagu xidhay ammar xagga Hargeysa ka yimi inaanu khasnajiga TOTAL bixi karin inta lagala wareegayo, iyadoo warku intaa ku daray in la ilaalinayo lacagta kaashka ah ee TOTAL gacanta ku hayso, ka dib markii Madaxweyne Silaanyo uu maanta soo saaray digreeto uu ku baabi’iyay heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo TOTAL ka dhexeeyay.

Agaasimaha Haamaha Shiidaalka Berbera Shiine Cabdi Barkhadle oo aanu isku daynay inaanu wax weydiino tallaabada uu ku xidhay khasnajiga, ayaanay noo suurtagelin telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgii.

Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, infi@berberanews.com