Wararkii u dambeeyay ee Qaraxii Taallada Sayidka

0

Muqdisho-(Berberanews)-Gaadhi  waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa qof Naftii hure ahi la beegsaday xalay bar koontarool oo ay ciidammada dowladda ku leeyihiin Talaada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo Shir Jaraa’id ku qabtay goobtii uu qaraxu ka dhacay ee nawaaxiga taalada Sayidka  ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey khasaarihii ka dhashay halkaasi.

Taliyaha guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qarixii Naftii huruhu ka fuliyayay Sayidka uu sababay dhimashada laba ka mid ah Ciidanka Xoogga iyo Dhaawaca Sadex Askari oo kale .

Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidanka la qarxiyay ay ahaayeen Ciidamada Isku-dhafka Amniga Muqdisho kuwaasoo maalmahan ka hortagyeye Weerarada ay maleegeyeen kooxaha Argagixiso.

qarax3-1