wararkii u danbeeyay ee xaaladda magaalada Badhan

0

Badhan(Berberanews):- Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan ee Somaliland oo Masuuliyiin Maamulka Puntland ka tirsani ku qaabbileen Ciidan Somaliland ka goostay, isla markaana calankooda ka taageen, ayaa xaaladihii ugu dambeeyey ee caawa aannu waraysi idiinka haynaa.

Shacni Faarax Cali oo ah isu-duwaha wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Somaliland ee gobolka Badhan, ayaa iyadoo ku sugan magaalada Badhan, waxaa caawa khadka taleefanka ku waraystay Weriyaha Ceerigaabo ee BC24TV Siciid Qurbaawi, waxaanay sheegtay in cabsi badani jirto.

Waraysigaas iyo siday xaaladdu caawa tahayba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-