Wararkii ugu dambeeyay ee ka khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca qarax ka dhacay Baydhabo

0

Baydhabo(Berberanews):-Ugu yaraan Shan Ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa labaataneeyo kalena ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo galabta abbaaro shantii iyo badhkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ee dalka Soomaaliya.

Dadka ismiidaamiyay ayaa si gooni gooni ah isugu kala qarxiyeen Hoteel Bilan iyo Maqaaxida Badar, oo ku wada yaal Waddada marta badhtamaha magaalada Baydhaba. 5 Qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxyadaasi is xigay, waxaana suuragal ah in tirada ay intaas ka sii korodhayso.

Geesta kale, in ka badan 20 qof oo kale ayaa la sheegayaa inay qaraxyadaasi ku dhaacawmeen, sida ay Laanta Afka Soomaalilga ee Idaacadda BBC-du faafisay. Waxaanay intaa ku dartay BBC in Dad goobjoogayaal ahi u sheegeen in Dadka dhaawacmay xaaladdooda lagula tacaalayo Cusbitaalka guud ee magaalada Baydhabo, halkaas oo Kooxaha gurmadka degdega ah ee Caafimaadku heegan ugu yihiin wax u qabashada Dhaawacyadaas oo kala culus.

Al-Shabaab oo Qaraxyada noocan oo kale ah lagu yaqaanno inay fuliso, ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarradan Gabbal-gaabka Sabtidii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaanay sidoo kale Xarakada Al-Shabaab sheegtay inay doonaysay ama ku bartilmaameedsanaysay weerarradaas goobo ay isugu yimaaddaan ama ku kulmaan Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta kale ee Laamaha Dawladda Koonfur-galbeed iyo kuwa Heer Federaal ahiba oo ku yaalla Baydhabo. Ciidamma Ammaanka, ayaa qaraxyada ka dib xidhay waddooyinka waawayn ee Baydhabo si ay u hakiyaan isu-socodka nabadgelyadana u sugaan.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, waxaa Maalmahanba ka socday ololaha doorashada Madaxweynennimada  Maamulka Koonfur-galbeed, kuwaas oo lagu wado inay 17-ka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno ee 2018-ka qabsoomaan, isla markaana ay u sharraxan yihiin Musharrixiin kala duwan oo ku tartami doona doorashadaas oo qaarkood khilaaf ka taagan yahay Musharraxnimadooda sida Mukhtaar Roobow oo Dawladda Federaalka Soomaaliya is-hortaagtay Musharraxnimadiisa oo kale.

Qaraxyadan Baydhabo ka dhacay, ayaa ku soo beegmay xilli loo fadhiyo Baroor-diiqda sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay 14-kii Aktoober 2017-kii Weerarkii Isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo aqoonsaday ama noqday Weerarkii argaggixiso ee ugu cuslaa Afrika, kana mid noqday kuwa ugu waawayn ee dunida ka dhaca iyo qaraxii ugu dhimashada badnaa Afrika iyo Soomaaliya-ba, isla markaana ku dhinteen Dad gaadhaya Shan Boqol iyo Sagaashan Ruux oo Shacab u badnaa, kaasoo sannad buuxa ay caawa ku noqonayso markii uu dhacay, Halka Dad tiradaa aad uga badanina ku dhaawacmeen.