Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya Iyo Tiradooda Oo La Helay

0

(Berbera news) Ra’isul Wasaaraha Dawladda aynu deriska nahay ee Soomaaliya, ayaa wali ku mashquulsan wadatashiyada ku aadan dhismaha Golaha Wasiirada  ee xukuumaddiisa oo la filayo in maalmaha iyo saacadaha soo aadan lagu dhawaaqo.

Inta badan Wasiirada kamidka noqonaya Xukuumada cusub ayaa la sheegay in ay diyaarsan yihiin, waxaana wali hadhsan wasiiro yar oo wali wada-tashiyo laga leeyahay cidda ku haboon ee loo magacaabi karo.

Wasiirrada cusub ayaa la filayaa in ay kasoo dhax muuqdaan xubno aad ugu dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo qeybna ka ahaa ololihii doorashada uu kusoo baxay, waxaa sidoo kale Wasiirada kasoo muuqan doona xubno hore wasiirro u soo noqday.

Xildhibaano katirsan Baralamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay kasoo dhax muuqdaan golaha Wasiirada cusub, waxaana wasiirradan inta badan lagu soo xulan doonaa aqoon iyo karti sida aan wararka ku helnay.

Warar aan ka helnay ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in golaha Wasiirada ay noqon doonaan 25-Wasiir , Wsaiir kuxigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayay in uu shalay ku dhawaaqi lahaa golaha Wasiirada, hase ahaatee waxaa soo baxaya in ay jiraan dib u dhacyo ayna socdaan wali wadatashiyo laga yeelanayo dhismaha xukuumadda cusub.

Magacaabista Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in ay dhacdo isbuuca soo socda horaantiisa, waxa ayna dad badan ay ka dhursugayaan cidda kusoo bixi doonta kamid noqoshada Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Berbera news.

 

 

 

(Berbera news)