Warqad uu feedhyahankii Maxamed Cali Kalay u qoray Mandela oo la kala siistay £7,200 oo pound

0
Maxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-dii

Warqad saxiixan oo feedhyahankii geeriyooday Maxamed Cali Kalaay uu u qoray madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa lagu iibiyay £7,200 oo pound.

Warqadda ayaa ahayd Tacsi uu Maxamed Cali u diray Mandela oo uu uga tacsiyeynaayay mid ka mid ah hogaamiyayaashii la dagaallnkii midab-kala sooca oo geeriyooday.

Warqadda waxaa la qoray 1993-dii. Waxaana lagu iibiyay si xaraash ah.

Mandela saaxiibkii oo ku baaqay in Zuma la casilo

Zuma oo ka hadlay natiijada ANC

Warqadda waxaa qoray qof caawiye u ahaa oo qalday magaca Maxamed Cali.
Warqadda waxaa qoray qof caawiye u ahaa oo qalday magaca Maxamed Cali.

Ninka iibsaday warqadda, Andrew Aldridge, wuxuu yiri: “Waa sax in la dhoho Maxamed Cali wuxuu ahaa feeryahankii markastaa ugu wanaagsanaa caalamka. Nelson Mandela na wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa caalamka.”

Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqadda waxay sheegeen inay filayeen in Mareykanka gudihiisa looga gato inta u dhexeysa £6,000 iyo £8,000 oo pound.

Maxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-dii
Maxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-dii
_93009257_mediaitem93009256
Warqadda Maxamed Cali uu u qoray mandela

Mr Aldridge wuxuu sheegay in Mandela uu sawir uu la galay Maxamed Cali uu saartay miiskiisa, sidoo kalena uu ku daray buugiisa.
_93009260_mediaitem93009259

Xigasho Bbc Somali