Wasaaradda Duulista Oo Ku Fashilantay Hanashada Maamulka Hawadda

0

(Berbera news) Dawladda Somaaliya, ayaa la sheegay inay la wareegtay maamulka hawadda oo ay masuuliyadeeda haysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha hawadda ee loo yaqaano ICAO, waxaana arrintan ka hadashay Wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland oo sheegtay in Somaaliya ay ka baxday heshiiskii hore looga gaadhay maamulka hawadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulsta Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Cabdillaahi Aadan ayaa shirjaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay, kaga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Somaliya, sidoo kalena fariin ugu diray  Wadamada Geeska Africa ee IGAD, Beesha Caalamka, iyo shacabka Somaliya.

 “Ugu horayn waxaan halkan ka cadaynayaa in Wasiirka duulista Somalia Cali Ahmed Jaamac Jiingeli iyo Dawladii uu ka tirsanaa ee  Xasan Sheikh Maxamuud ee hada dhacday inay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimi dib u dhaca wada hadaladii labada Dawladood ee Somaliland iyo Somalia iyaga oo ka cago jiiday inay fuliyaan qodobkii ugu horeeyay uguna muhiimsanaa ee ahaa maamulida hawada dalkii laysku odhan jiray Somalia oo ay dunidu soo jeedisay in loo sameeyo guddi dhexdhexaada oo ka madax banaan arimaha siyaasada xaruntooda laga maamulayo ee laga hagayona laga dhigo Hargeisa arintaa runtii Dawladii Xasan Sheikh way ka maagtay oo go,aan saxa kamay qaadan  arintaasi waxay sabab u noqotay inay sii socon waayaan wadahadaladii labada Dawladood.

Agaasimihu isaga oo ka hadlaaya qiimayan ay ka samaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ee ICAO halka ugu haboon ee hawada Somaliya iyo Somaliland laga maamuli karo, ayaa waxa uu yidhi:-“Sidaad ka war qabtaan qiimayntii ay samaysay hayada ICOA waxay ku baahisay oo ay ku cadaysay oo ay dunidana u dirtay in goobta ugu wanaagsan ee laga maamuli karo hawada hadii ay tahay xaga nabadgelyada iyo haday tahay xaga adeegyadaba inay tahay Hargeisa, sidoo kale waxaad ogaydeen wadahadalkii ugu danbeeyay ee Istanbul 3aad in Dawlada Somaliland ay soo dhigtay sedex qodob oo ku saabsan qaabkii loo wadaagi lahaa hawada iyada oo walalo la yahay loogana wada faa,iidaysan lahaa sedexdaa qodob hayada ICOA dhamaantood waxay tidhi waa qodobo macquula Dawlada Turkey –na way uga markhaati furtay qodobadaasi waxay ahaayeen, 1 in xarunta ugu wayn ee laga maamulayo hawada dalkii laysku odhan jiray Somalia Hargeisa laga dhigo isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo wada jira oo ay labada Dawladoodba heshiis ku yihiin , 2 in la sameeyo labo xarumood oo ta wayni Hargeisa noqoto ta labaadna Muqdisho laga dhigo islamarkaana ay guddi farsamo ay maamulaan ,3 Somaliland waxay soo jeedisay in labada Dal hawadooda loo kala qaybiyo oo qolo walba cida ay la kaashanayso iyo sida ay u maamulanayso ay u maamusho.”

Agaasime Cumar waxa uu ku eedeyay Dawlada Somaliya in ay burburiyen oo ay curyaamiyen, xalkii ay Umada labada wadan ee Somaliya iyo Somaliland si madax banana ugu maamulan lahaayen Hawadooda, waxaanu yidhi, “Waxaas oo wadahadal ah iyo qodobo waxay runtii ka socon waayeen Dawladii Xasan Sheikh waa ayaan daro Wasiir Jiingeli maanta yidhaahdo waxa nalagu wareejinayaa hawadii Dalkii Somalia laysku odhan jiray iyadoo bishii January ee aynu soo dhaafnay shirkii lagu qabtay Dalka hindiya shirkaas oo lagu soo jeediyay in hawada Dalkii laysku odhan jiray Somalia loo qaybiyo afar Dal India, Seychelles, Kenya iyo Ethiopia kadib markii ay wadahadaladii ay guulaysan waayeen anagu ka Somaliland ahaan dunidana waanu tusnay iyagana waanu u soo bandhignay inay naga dhab ahayd in hawadii labada Dawladood laga soo wareego laga faa,iidaysto lagana madaxbanaaneeyo siyaasada, laakiin nasiib daro waxay ka socon wayday Dawladaa Somalia.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland.

Berbera news.