Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Ansixisay Guddida Cusub ee loo Sameeyey Jaamacadda Berbera

0

Hargeysa (Berberanews)- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa si rasmi ah u ansixisay guddida cusub ee sameeyey Jaamacadda magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, guddidaas oo ka kooban 11 xubnood oo laga soo xulay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraal 20 April 2011 ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada, ayaa lagu sheegay in jaamacadda Berbera tahay mid ummaddu leedahay oo si toos ah u hoostimaad wasaaradda tacliinta, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ansixiyo guddida cusub ee loo sameeyey, kuwaasi oo xilka kala wareegay guddidii hore ee jaamacada maamulaysay.

Qoraalka Wasaaradda Waxbarashadda ka soo baxay oo nuqul ka mid ah Berberanews helay, waxa uu u qornaa sidan:

“Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa uu go’aamiyey inuu ansixiyo guddida cusub ee Jaamacadda Berbera si loo dardargeliyo hawlaha waxbarasho. Jaamacadda Berbera waa jaamacad ummaddu leedahay ee maaha jaamacad cid gaar ahi leedahay, isla markaana waxay si toos ah u hoos timaad wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacyada guddida Jaamacadda Berbera waxay kala yihiin;

Siciid Cartan Cismaan, Prof. Cabdiqaadir Cali Cabdi, Captain Cali Maxamed Xasan, Saalim Cubayd Saalim, Faysal Yuusuf Cabdi, Steve Brayen Atrikson, Eng. Maxamuud Boos Axmed, Rooda Cabdiraxmaan Maxamed, Digtooraysa Caasha Aadan Yanye iyo Eng. Maxamed Ismaaciil Cabdi,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada ee lagu ansixiyey guddida cusub ee Jaamacadda Berbera.

 

Berberanews.com

Hargeysa,