Wasiir Kaahin oo sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa meesha ka saaray in khilaaf salka ku haya arrinta xadhiga Cable-ka Internet-ka ee Djibouti khilaaf ka dhex curisay labada dawladood.

Isagoo ka hadlayey kulan warbaahineed oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Wasiir Kaahin intaasi ku daray in Xadhiga Cable ee DARE1 uu marayo meel ka baxsan Biyaha Somaliland Badda, una socdo Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray “Xadhiggaasi uma socdo Berbera iyo Somaliland toona”ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo Muuqaal: