Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland oo khudbad ka jeediyay Kulan-ganacsiyeedkii Berlin

0

Germany-(Berberanews)-Kulan-ganacsiyeedkii loogu magac daray Maalinta Somaliland iyo Jarmalka ayaa Toddobaadkan lagu qabtay dalkaasi Jarmalka

Shirkan maalinta Ganacsiga Ee Jarmalka Iyo Somaliland oo ay soo qaban qaabisay hay’ad Jarmal ahi oo kaashanaysay wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada Arrimaha Debedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo xubno ka mid ah Ganacsatada Somaliland oo ay ka mid tahay Shirkadda Alnuur Furniture.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr Sacad Cali Shire khudbad ka warramaysa fursadaha ganacsi ee ka jira Somaliland ka Jeediyay Shirkii Berlin.