Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo ka hadlay dalabka dawladda Turkigu ku doonayso in la xidho Nile Academy

0

Hargeysa (Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay damaca ay dawladda Turkigu ku doonayso in la xidho dusiga Nile Academy oo ay ku eedaynayso inay maalgeliyaan kooxdii ka dambaysay inqilaabkii dalkaas ee fashilmay.

Wasiir Sacad, oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inaanay jirin wax cabasho iyo sharci jabin ah oo ay dawladda Somaliland ku aragtay dugsigaas, sidaas darteed aanay iska xidhi karin maadaama oo uu ku furanyahay sharci.

Wasiir Sacad oo ka hadlaya arrintan wuxuu yidhi “Safiirka Turkigu markii uu yimid dalka waan maqnaa, oo Itoobiya ayaan joogay, balse waxaynu nahay dal sharci iyo nidaam leh, oo cid gaar ah  dantooda iyo maslaxdooda aan ka shaqeynayn, sidaas oo ay tahayna waxaanu jecel nahay oo aanu mar walba ku dadaalnaa in aanu muhiimada kowaad siino danta dadkeena iyo dalkeena, Wadamada aanu jaarka nahay iyo kuwa Caalamkaba aanu iyana xidhiidh wanaagsan la yeelano, oo danta guud ka wada shaqeeyno, balse Dugsiga Nile Academy, waa Dugsi sifo sharciya ku furan, oo nidaam saxa loo soo maray markii la furayey, Arday baa inoo dhigata, oo wax inoo barata, cid ka cabanaysana maanu arag, nalooma sheegina, markaas marka aanu aragno in aanu dantayada ka weyno, sharciga dalkana uu jabiyo ama uu ka baxo,  waanu la xisaabtamayna, sharcigana waanu marinaynaa, balse anaga oo cid gaar ah u danaynayna oo danteena iyo danta ardaydeena iska indho tirayna xidhi mayno, dal baynu nahay, oo dawlad baynu nahay, oo sharci baynu leenahay, oo Madaxweyne ayaa dalka ka taliya, markaas hadba wixii inagu soo kordha talaabada ugu haboon ayeynu ka qaadaynaa ”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay in Safiirka Turkigu madaama uu dalka yimid inuu raaligelin ka bixiyey hadalkii ahaa in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ay dhexda ka yihiin  looga dan leeyahay midnimada Somaliya ayaa ku jawaabay “Turkigu wuxuu jecel yahay ma qarsado, waxaanu jecel yahay oo mar walba ku cel celiyaa midnimada Somaliland iyo Somaliya, balse isagu gogosha ayuu noo fidiyey, ee marnaba naguba qasmi karo midnimo, waxaana Dawladda Turkiga mar kasta aanu leeynahay mawqifkaygu waa Somaliland oo noqota Dawlad aqoonsi ka hesha Caalamka, maantana waxaanu nahay dawlad ka soo baxday dhammaan shuruudihii looga baahna dal, ee idinku gogosha aad fidiseen ku eekada, oo wada hadalada dhex u ahaada”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar uu ka hadlaayey heshiiska ka soo baxay wada hadalada Somaliland iyo Khatumo wuxuu yidhi “Wada hadaladan ka dhacay Magaalada Adisababa, waxa uu ahaa wada hadal aad muhiim u ah, oo aanu ku faraxsan nahay sidii loo wada hadlay, iyo waliba qodobadii muhiimka ahaa ee ka soo baxay, waxaana aad ugu sii faraxsan nahay inay maanta Somaliland mid noqotay, is fahan iyo is af garad wacana ina dhex maray”.

Xigasho Bbc