Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo kulammo la yeeshay dhiggiisa Uganda

0

Uganda-(Berberanews)-Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland Prof Yasin Mohamoud Hiir “Faratoon” oo safar shaqo ku jooga Dalka Uganda ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Uganda Hon. Sam katuse iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Uganda Hon. Rebecca waxaanay labada dhinac  ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada wadan iyo iskaashiga.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland waxaa kulammadaas ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Mubaarig Cabdillaahi Ibraahin, Safiirka Somaliland ee dalka Uganda Xamse Xaaji Dool, Gabadha mina xirsi oo ka soo jeeda Somaliland ganacsi badana ku leh dalkaas iyo Mustafe cawil.