Wasiirka Arrimaha Dibeda Oo La Weriyey In Laga Reebay Wefti U Ambobixi Doona Imaaraadka

0

(Berbera news) Wefti Wasiiro ah oo u ambabixi lahaa Imaaraadka oo loo xayiray Imaansha Madaxweyne Siilaanyo,  ayaa labada maalmood ee soo socda tagi doona magaaladda Dubai, halkaas oo ay ka soo fulin doonaan wadahadaladii saldhiga Milatari ee madaarka Berbera.

Weftigan oo maalmahan ba la hadal hayay ayaa waxa soo if-baxaya in xukuumaddu ay ka reebtay Wasiirka Arrimaha Dibeda Sacad Cali Shire, kaasoo halkiisii la galiyey Wasiiru-dawlaha wasaaradaasi Mixile Boqore, Wasiirka Arrimaha Dibeda Sacad Cali Shire ayey maalin dhaweyd saxaafadda qaarkeed qoreen in uu diiday in uu safarkan raaco, iyadoo lala xidhiidhiyey Diidmadda uu ka muujiyey Heshiiska Milatari ee Madaarka Berbera. hase yeeshee, warar kale ayaa sheegaya maadaama aanu ku qanacsanayn Heshiiskan in uu Madaxweynuhu go’aansaday in uu wasiiru-dawlaha u diro, taasoo ay dad badani hadal hayaan in ay talaabadan hordhac u tahay in aanu wasiir sacad sii joogi doonin kursiga.

Ma cada Wasiir Sacad Cali Shirre goorta uu go’aan ka qaadan doono khilaafka soo jiitay ee u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha. sidoo kale lama garanayo goorta uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaadi doono.

Berbera news.

Source Waaheen.