Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland muxuu ka yidhi muranka u dhexeeya Ganacsade Geelle iyo Djibouti

0

Hargeysa (Berberanews)– Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadley arinta Ganacsade Axmed Cismaan geele iyo dawlada Jabuuti.

Sidoo kale Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegay in la jaray Waaran qabasho ah oo ganacsade Axmed Cismaan Geele lagu xidhayo waxaana uu sheegay Wasiirku in aanu ogayn ilaa hada wax waaran qabasho ah oo loo jaray ganacsade Axmed Geele .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, ayaa ka hadlay qabsoomida doorashada Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Somaliland, kaas oo sheegay in doorashadu ay wakhtigii loo mideeyey ay ku qabsoomi doonto.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay kulan maalmihii u dambeeyey magaalada Hargeysa uga socday xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka