Wasiirka Daakhiliga Ciddi Ka Aqbali Mayso In Uu Shacabka Ka Dardaar-Wariyo Qabyaalad

0

Gabileyna Inta Ay Ka Taqaanaa Waa intii ay Ka Kala hadheen

Dad badan ayaa isweydiiyay Khudbad uu ka jeediyay khamiistii.Magaalada Gabiley Wasiirka.Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Kadib markii uu ka hadley Mawduuc ku Sahabsan Dardaaran uu Fariin ahaan Shacabka uga jeedinayo inaanay Qabyaalada ku dhaqmin oo iska ilaaliyaan kana fogaadaan, kana dheeraadaan Hurumar iyo Hurumar la.aan iyo Sheekooyinkiisii Is daba Socdey.

Xaqiiqdii in ay Wax jirraan ama ha yaraadeen ama ha Badnaadeene, Waxa cadeyn u ah Qofku Shakiga uu qabo, ee Kashkiisa Kujira, Bulsho dhan iyo Deegaan Dhan iyo Dadkiisa Sidee bay Suurtagal ku Tahey in Nin Weyn oo.Magac Leh oo Hebel la.Leeyahey uu Ka maago Ama Shawr iyo Sakati.ka qabo.

Haddaan usoo Noqdo ujeedada Qoraalkaygan, Waxaa horta umadda Reer Somaliland guud ahaan iyo Gaar ahaanba Xataa qof kasta oo garanaya, ama Yaqaan ama ay Isku Beel Yihiin, aanu ka aqbalayn oo ka dhagaysanayn, Wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahin ● in uu Cid ka dardaaro, qabyaalad Waxaa uu Caan ku yahey oo lagu Yaqaan oo Qof Waliba ku Calaamadsadaa Waa Qabyaalad iyo Xadhigeeda ama Nin Qabiili ah, oo uu Mucalim ugu yahey, Madaxweynaha Maanta talada haya Muuse Biixi Cabdi Waxeynu Wada ogayn in uu Ahaa Ninkii Qabyaalad Darteed iyo Xiisadeed Isaga Casiley Xukuumadii Madaxweynihii u Horeeyay ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali ee haddana Ragii Xilalka ka hayay Xukuumadaas ee ay isku Beesha ahaayeen, ku qasbey innay Faral Qabyaaladeed Tahey innay is Casilaan oo isaga la Mawqif Noqdaan, arintaa Qabyaalada Qaawan ahi Waa mid ilaa maanta Saameyn ku leh Maxamed Kaahin iyo Noloshiisaba.

Haddaba gabagabadii, Waxaan Leeyahay Wey jirraan Wax baddan oo laga Tirsanayo Maxamed Kaahin(Wasiirka Arimaha Gudaha), dalka oo dhan, iyadoon Meel Fog laga Doonin Xilka uu Maanta hayo ayaa Tusaale ku Filan Suurtagalna ma aha in mid ka Culus qaadi karro oo Xaimlkeedq leeyahey Xaasha.a

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339