Wasiirka Duulista Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Tukriga Ee Somaliland iyo Somaliya

0

Hargaysa 21 12 2016 (Berberanews) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga Ambassador Olgan Bekar iyo Qunsulkiisa fadhigiisu yahay Hargeysa Consular Muzaffer Yuksel, kulankan ayaa ahaa mid ku dhamaaday is fahan.

Wasiirka Duulista Faraxaan Aadan oo si kooban uga hadlay kulankan  ayaa yidhi:-“Ka Wasaarada ahaan Shaqooyin naga dhaxeeya ayaa jira Dawlada Tukriga oo aanu wada hadal hore ka galnay, mar hore oo uu yimi Safiirku, oo aanu anagu shirnay, Safiirka iyo qunsulkaba, markaa kulankaygu waxa uu daba joogaa wada xaajoodkii hore ee Hawada sare Somaliland iyo Somaliya, ee Madaxweynuhuna hore ugaga qaybgalay Tukriga, laba jeer oo horena lagaga wada hadlay, ayaa horta udub dhexaad u ah, ka Wasaarad ahaan ayaan ka hadlaya.”2o6a1964 2o6a1966 2o6a1971

 

Ismaaciil Cali Axmed 

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Tel:- 063 4424571