Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan hordhigay Xeer lagu hagayo hawlaha ay qabtaan

0

Hargyesa, 04, May 2011-(Berberanews):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyey Xeer cusub oo ay soo saartay Wasaaraddu oo la doonayo in lagu hago Hay’adaha Samafalka caalamiga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland.

 

Dr. Sacad Cali Shire, oo manta ka hadlay kulan ay hay’adaha ugu qabteen Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay ujeeddada kulankaas, isla markaana waxa uu ku tilmaamay in Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalka loogu soo bandhigayo xeer qeexaya hawl-qabadkooda iyo wada shaqaynta ay la yeelanayaan Wasaarada qorshaynta.

 

Wasiirka Qorshaynta ee Xeerkaa sharraxaad ka bixinaya, waxa uu yidhi; “Kulankan waxa ay ujeeddadiisu tahay in hay’adaha caalamiga ah loo soo bandhigo xeerkan oo qeexaya siday isku diwaangalinayaan, waxyaabaha ay qabtaan  iyo warbixinadooda, xeerku waxa uu leeyahay dhawr qaybood qaybi waxay khusaysaa hay’adaha samofalka ah ee waddaniga ah, qaybina waxay khusaysaa hay’adaha samofalka ah ee caalamiga ah, maanta (shalay) qaybta aanu soo bandhignay waxay ahayd qaybta khusaysa hay’adaha samofalka ee caalamiga ah.”

 

“Qodobbada ugu waawayn ee xeerkan waxa ka mid ah qodob odhanaya hay’aduhu lacag kama raadin karaan hay’adaha kale ee fuliyayaasha ah ee waddanka jooga, laakiin way u furan tahay inay ka raadiyaan hay’adaha deeq bixiyayaasha ah ee jooga waddanka guddihiisa ama dibadiisa, taas waxa looga jeedaa si loo ilaaliyo ama la isu hortaago in mashruuc keliya dhawr hay’adood oo caalami ah oo wadanka joogaa ay isga dambeeyaan oo lacagtii mashruuca loogu talogalayna ay ku dhamaato maamul.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshayta Somaliland.

 

“Hay’adaha Samofalku wax walba way iskugu jiraan kulamaduna kuma ee ka siminaaro  waxaana hadda dalka jooga  90 Hay’adood oo hore u shaqayn jiray iyo 80 hay’adood oo cusub.” Ayuu intaa raaciyey Wasiirku.

 

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Sacad Cali Shire, oo ka hadlayay qaabka ay hay’adaha dalka joogaa u fulinayaan mashaarciicda, waxa uu sheegay inaanay hay’aduhu bixinayn lacag, laakiin dawladdu ku dabagalayso waxay qabanayaan. Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi;

 

“Run ahaantii Hay’ aduhu innooma keenaan lacag, laakiin waxay keenaan agab iyo qalab,  waxaana ay noo soo gudbinayaan ka hor inta aanay mashruuca bilaabin warbixin dhan oo ku saabsan waxay qabanayaan lacagta ama kharashka ku baxayaa inta uu dhan yahay  iyo muddada. marka taa aannu helno ee aannu ka aqbalno, waxaannu annagu leenahay ku dabagalka oo keliya  iyaguna hawsha ayey fulinayaan marka ay dhammeeyaana waa inay keenaan xisaab celin.”

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.