Wasiirka waxbarasha Somaliland Oo Hanjabaad Culus u Diray hay’ada UNICEF

0

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md cabdilaahi Ibrahim Habane(Cabdilaahi Dheere) ayaa maanta Hanjabaad Culus u diray hay’ada Caalamiga ah ee UNICEF ka dib markii ay diiday talaabadii uu wasiirku kaga qaaday hay’ada UNICEF mashruucii Waxbarashada ee ay Ku guulaysatay. Una ansixiyeen Gudidii uu wasiirku u saaray.

Hasa yeeshe wasiirka Oo adeegsanaaya awooda uu qaranka u hayo kaga qaaday mashruucaasi isla markaana gacanta u Galiyay hay’ada Save the children.
ka dib markii isfahan hoose dhex maray hay’ada Save the Children Iyo wasiirka

Warqada hanjabaada ah ee Wasiirku u diray hay’ada UNICEF Oo nuqul ka mid ah saxaafadu heshay ayaa waxa uu ku yidhi
“hadaad joojin waydaan sii daba socoshada mashruuci aan siiyay hay’ada Save the Children waxan idinka saari doonaa dalka. Waana in aad bixisaan raaligelin”

Talaabada hanjabaada ah ee wasiirka waxbarashadu u diray hay’ada UNICEF waxa ay dhaawacaysaa sumcadii iyo karaamadii Qaranimada Somaliland. Maadama oo aanay jirin dambi cad oo ay gashay hay’ada UNICEF.

Mashruucan Sida cadaalad darada ah looga qaaday hay’ada UNICEF Waxa Ku baxaysa Lacag dhan 21 Malyuun Oo Dollar waxana uu soconayaa mudo saddex sano ah. Waxanay hay’ada UNICEF Soo waday mudo saddex sano ah Oo ay si fiican usoo maamushay. request-for-an-apology