Wasiirkii Hore Ee Cadaalada Oo Sharaxay Khataraha Ku Gedaaman Saldhiga Millateri Ee Xukuumaddu U Saxeexday Imaraadka

0

(Berbera news) Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid ka mid ah sharciya-qaanada deraasada uu kaga hadlay dhibaatada iyo khatarta ka dhalan karta Saldhiga Mallateri ee Xukuumadda Siilaanyo Imaraadka ka siisay maaalada Barbera, ayaa tilmaamay in gebi ahaan ba ay uu sharci darro ahaa fadhigii wada-jirka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland uu iskugu yeedhay labada gole Baarlamaanka

 “Labada gole ee Baarlamaanku, waxa ay lee yihiin fadhiyo wada-jir ah iyo fadhiyo u kala gaar ah, waxaana fadhiyaddaas caddeeyey labada gole baarlamaan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo goob walba siiyey awoodo iyo madax-banaani u gaar ah sida ku cad qodobka 38-aad farqaddiisa 5-aad. Waxaana arrimaha ni ay yihiin kuwa keliya ee labada gole iskugu iman karaan si aynu u aragno fadhigii uu Madaxweynahu la yeeshay labaddaas gole in uu sharci ahaa iyo in kale ba. B. Dhageysiga uu madaxweynahu ka jeediyo furitaanka labada gole T.Marka laga doodaayo in ay Somaliland ku biirto urur goballeedyo ama kuwo kale oo caalami ah ama ansaxinta heshiisyada dabeecad goballeed leh ama mid caalami ah ahba. J. Go’aaminta ama ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka ay Somaliland la soo gudboonaato xaalad dagaal. Markaa kuwaas iyo kuwo kale ba waxa ay iftiiminayaa in ay sharci darro ahayd fadhigii ay labada gole ku ansaxiyeen nuxurkii heshiiskii la horkeenay.”

 

Berbera news.