“Wasiirku isagaa qaadi doona masuuliyada wixii ka yimaada eeddaasi“ Hass Petroleum

0

Madaxda ugu sareeya Xafiiska Shirkadda Hasspetroleum Cabdirisaaq Ataaj, oo goor dhaweyd wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddeyn uu u jeediyey Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumadda Somaliland oo sheegay in ay  hubeeyaan jabhado laga aasaasay Deegaamo ka tirsan Buuhoodle Shirkadda HASS iyo shakhsiyaad kale oo ganacsato ah.

Maareeyaha Shirkadda HASS, ayaa ku tilmaamay eeddaasi mid aan loo meel dayin oo lagula kacay Shirkaddiisa, hase ahaatee aanay ka hadhi doonin oo ay dacwad la tiigsan doonaan Wasiirka.

Wasiirku isagaa qaadi doona masuuliyada wixii ka yimaada eeddaasi hadduu caddeyn keeni waayo, ama waxay noqonaysaa masuuliyad shirkaddu qaadi doonto haddii lagu caddeeyo”ayuu yidhi Maareeyaha Hass.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Shirkadda Hass ayaa kamida Sharaa’iga waaweyn ee  soo dejiya Shidaalka Somaliland, isla markaana maal-gelinta ugu balaadhan gelisa ganacsiga shidaalka, iyadoo gobolada dalka oo dhan ku leh laamo iyo goobo shidaalka lagu iibiyo.

Sidoo kale Shirkadani waxay laamo waaweyn ku leedahay inta badan wadamada Bariga iyo badhtamaha Afrika, sida Kenya, Koonfurta Suudaan, Tansaniya iyo dalal kale, taasoo ka dhigaysa shirkad heer gobol ah.

Eeddeynta loo jeediyey ayaa ah mid dhif iyo naadir ah oo dawladdu ku durto shirkaddaha Ganacsiga, iyadoo aanay jirin warar madaxbanaan oo si uun shirkaddaasi ugu xidhiidhiyey hurinta colaado iyo xasarado kale oo la mida.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaa looga fadhiyaa in ay caddeyn buuxda bulshada la wadaagto in shirkaddani maalgeliso Jabhadaha ka jira Deegaamada Buuhoodle, haddii kale ay qaado talaabo si deg deg ah shirkaddan ay ku qancinayso.