“Waxaan Ka Filaayay Xisbiyada Qaranka Inay Soo Dhoweeyaan Horumarka Qaranka Balse Maan Filayn”Saleebaan Cali Koore Oo Fariin u Diray Xisbiga Waddani

0

Hargaysa(Berberanews)Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha oo Maanta Shirjaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Fariin Adag oo Hogotusaalayn ah u diray Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani taasi oo ku Aadan kala Saarista Qaranimada Iyo Khilaafka Siyaasiga ah ee Ka dhex Taagan Siyaasiyiinta Somaliland

“ Waxaan Aad iyo Aad u Filaayay in Xisbiyada Qaranku Ay si Mug Iyo Miisaan leh u Soo Dhoweeyaan Hadba Wixii Qaranku Ku talaabsado ee Horumar ah,Madaxweynaha Somaliland markuu Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Waxbaa Lagu Kala Duwanaan Karaa Gudaheena,Marna Waa Gudoomiyaha Golaha Wasiirada,Marna Waa Mideeyaha Qaranka oo Dhan meel kasta oo uu Joogo,Marka uu Qaranka Metelaayo Xisbi Iyo Qof Mucaarid ah Waxaanu u Aragnaa Inaanay Ku Haboonayn In taageero Mooyee Markaa Prestage-ka iyo Image-ka Qaranka La Dhisaayo in aanay Haboonayn In Kala Duwanaanshaha Guduhu Aanu tegin Dibada,Waana Sida Caalamka Lagu Yaqaano Marka uu Jiro Dal Xor ah oo Xalaal Ah oo wada Shaqeeya,Xisbiyada Qaranka oo Aan Waddani Ka Tilmaamayo Saaxiibkay Cabdiraxmaan Iyo Raga Kale ee Sharafta Lehba waxaan Odhan Lahaa waa Inaynu u Muuqanaa in Xisbiyada Qaranku Ay heegan u Noqdaan Midaynta Qaranka iyo Wada Dhisida Waxa guud ee La Wadaago oo Waxa Hoose ee aynu ku Kala Duwanahay  Ay Noqdaan Wax Local Ah “