“Waxaannu Aqbalayna Doorasho Xor & Xalaal ah, Laakiin Aqbali Mayno”Musharrax Cirro

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbigaas ee u tartamay doorashadii 13-kii bishan Somaliland ka dhacay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan, ammaankana ilaaliyaan, isla markaana wuxuu sheegay inuu Aqbalayo doorasho xor iyo xalaal ah, hase-yeeshee aanu aqbali doonin doorasho Musuqmaasuq ah, sidoo kalena waxa uu amray hawl-wadeennada Guddiga doorashooyinka la shaqaynayey ee Xisbiga Waddani gobol, degmo illaa goob inay joojiyaan Shaqada illaa inta Guddiga doorashadu Cabashada iyo Dacwadaha Waddani u gudbiyey si sax ah uga jawaabayaan.

Sidaa Murrashax Cirro wuxuu ku sheegay shirjaraaid oo caawa ku qabtay gurigga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa. Murashax Cirro oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi; “Waxaan taageerayaasha ugu baaqaya inay isdejiyaan ammaankanna aynu wada ilaalinno. Waxaan u sheegaya in aannu aqbalayno doorasho xor ah oo xalaal ah. Hase yeeshe aanan aqbali doonin cod xaaran ah inay ciddina ku badiso…”

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro oo arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Shirkiisa Jaraaid ee uu Caawa ku qabtay magaalada, Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan.