“Waxaanu guusha ka doonaynaa lixda gobol oo dhan.” Guddoomiyaha Kulmiye

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan ku qanacsanyihiin Natiijadii dhawaan ka soo baxday Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Tirada dadka isu diiwaangeliyay codbixinta Doorashada Madaxtooyadda.

Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay Munaasibad Haweenka Kulmiye Madaxtooyada loogu sammeeyay waxaa intaa ku daray inay Xisbi ahaan guusha ka doonayaan Lixda Gobol ee Somaliland ka koobantahay.

Waxana uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qanacsan yahay oo uu soo dhaweynayaa natiijadii uu soo saaray guddida doorashooyinka, intii is-diiwaangelisay iyo intii ka shaqaysayna waanu hambalyeynaynaa, doorashada KULMIYE-na waxa aanu guusha ka doonaynaa lixda gobol oo dhan, haddana gobollada darafyada ayaanu koobka ka qaadaynaa oo xooggayaga, mucdayada iyo dadka na taageeraaba joogaan, taasna waanu ka hawlgelaynaa.”