“Waxay Dhalinyaradii Hargeysa Sameeyeen Ceeb iyo Fool-xumo” Musharrax Muuse Biixi

0

Hargeysa(Berberanews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Cambaareeyey Weerar Dhalinyaro la sheegay inay Kulmiye ka tirsan yihiin xalay ku qaadeen Guriga Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo Hal Askari Dhaawac ka soo gaadhay Dhagax-tuur ay Dhalinyaradaasi ku sameeyeen, kuwaas oo shan ka tirsan Boolisku sheegeen inay qabteen.

Musharrax Muuse Biixi oo Maalinta 3-aad ee Ololaha Xisbiga Kkulmiye kaga qaybgalay Boorama, isla markaana Fagaaraha Khayriyada Boorama kula hadlayey Taageerayaasha Kulmiye, ayaa sheegay inay Fool-xumo, Ceeb iyo Badannimo tahay in Dhalinyaro Xisbi ka tirsani Shiidaan Musharrax Xisbi Gurigiisa, waxaanu sheegay inay taasi tahay Badawnimo guud ahaan Reer Hargeysa ka siman yihiin. Waxa uu sheegay inaan loo baahnayn falalka noocaas oo kale ah ee Dhalinyaradu ku kacayso ee lagu rabshayo Xafiisyada, Gaadiidka iyo Guryaha Xisbiyada iyo Hoggaamiyeyaashooda.

Khudbad uu Musharrax Muuse Biixi ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada Boorama oo uu dhinacyo kala duwan kaga hadlay oo ay ka mid yihiin waxyaabaha uu gobolka Awdal u qaban doono hadduu doorashada ku guulaysto oo Madaxweynaha Somaliland noqdo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-