Weeraryahanka Weyne Rooney oo Shalay Laga Waayey Garoonka Tababarka ee Man United

0

Ciyaaraha-21,Nov, 2011-(Berberanews)- Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Weyne Rooney, ayaa laga waayey shalay garoonka tababarka ee kooxdiisa, maalin ka hor inta aanay garoonka Old Traford ku martigelina naadiga Benfica.

Rooney waxa uu ka qaybgalay kulankii kooxdiisu Sabtidii 1-0 kaga adkaatay Swansea, hase yeshee waxa la sheegay inuu dhaawac gaadhay markii ay isku dhaceen goolhaya swansea ee Michel Vorm.

Inkastoo aannu laacibkani tababarka la samayn ciyaartoyga Man united, isla markaana aan si toos ah loo xaqiijin inuu ka maqnaan doono kulanka Champion-ka ee Caawa dhexmari doona Man United iyo Benfica oo Group-ka C ku wada jira, hadana waxa jirta cabsi uu Ferguson ka qabo caafimaadkiisa.

Sidoo kale, difaaca Jonny Evans ayaa isna shalay ka maqnaa garoonka tababarka, halka Chris Smalling iyo Danny Welbeck oo dhaawac ku maqnaa ay shalay yimaadeen garoonka tababarka ee kooxda.

Geesta kale, waxa uu tababare Ferguson war fiican ka helay waaxda dhakhaatiirta oo u xaqiijisay in Patrice Evra ciyaartaas diyaar u yahay, balse waxa la tebeyaa Michael Owen iyo Tom Cleverley oo dhaawacan.