“Wuxu isu ekaysiiyaa Dumarka, Gadh malaha, magaca uu la baxay waa ASMA-CODAY..”Sayga Qaba Gabadha Ninku Minxiisadda u ahaa

0

Wuxu isu ekaysiiyaa Dumarka, Gadh malaha, magaca uu la baxay waa ASMA-CODAY..” “Waxaanan bartay isaga oo Gabadh iska dhigayoa, waan la sheekaystay, Gabadhan aan guursadayna Isagaa I baray oo yidhi; ‘Guur diyaar uma ihiye…” Waraysi Gaar ah Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar Wargeyska Ogaal

Hargeysa(Berberanews):- Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar oo ah Ninka Qabay Gabadh Sheekadeedu dhawaanahan aad ugu badnayd Baraha Bulshadu ku kulanto oo Nin Gabadh iska dhigay Guriga kula noolaa, ayaa Wargeyska Ogaal xalay ka waraystay Qisadaasi siday u jirto, waxa ka run ah hadal-haynta Bulshada iyo Warbaahinta qaarkeed aadka u qaadaa-dhigayeen dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey.

Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar oo Tifaftiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax I. Mursal, sidoo kalena ah Tifaftiraha guud ee Aftahannews.com xalay arrintaa ka waraystay, ayaa ugu horreyn ka jawaabay xilliga uu Gabadha Hoyaday, sida Ninkan la sheegayo inuu Naag iska dhigay Minxiiska ugu noqday ee Gurigiisa ugu noolaa iyo halka ay marayso Dacwadda ka dhanka ah Aamina Muuse Aw Diirye oo ah Gabadha Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo Ninkan Naagta iska dhigay oo magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan, balse Ninkani iyo Dadka ay Gurigiisa isku barteenba u yaqaannee ama uu u sheegtay Asma-Coday, kuwaas oo hadda xidhan, Go’aanka Dacwaddoodana ay Maxkamadda degmada Hargeysa u muddaysan shanta bisha 3-aad ee sannadkan 2017-ka.

“22-kii December 2016, ayaan Gabadha la soo wareegay, waxaan degnay oo ku aqal-galnay Guri ku yaalla Garoonka Ciyaaraha ee Hargeysa Staadyoom. Arrintaas Maxkamadda ku jirta ee aadka loo hadal-hayaa waa wax jira, waa run. Labaatan cisho ayuu nala joogay isaga oo Gabadh ah, maalintii dambe ayuu naga tegay, waxaa noo timi Hooyadii oo doonaysa oo Wiil doonaysa. Jaarkii waxay yidhaahdeen muxuu ahaa Wiilkaad doonaysaa, waxay tidhi; ‘Wiil Cabdiraxmaan la yidhaahdo oo Gabadhan Arooska ah la joogay’. Dabadeed naxdin iyo anfariir ayey Aniga iyo Dadkaba ku noqotay in Inantii nala joogtayba Nin ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ismaaciil.

Mar aan weydiiyey Cabdiraxmaan sida ay isu barteen Ninkan Naagta iska dhigay iyo Isagu iyo waxa sahlay inuu Nin ahaan marnaba u dareemi waayo, waxa uu yidhi; “Ninkan iyo Gabadha aan Guursaday waa ilmaadeer saddexaad, Guriga naagta iska dhigaya ayey markii hore ka shaqayn jirtay. Markaa, Qofkan oo Gabadh ah oo Asma-coday la yidhaahdo,  ayaannu marka hore Annagu is-barannay oo aan Naag ahaan ula sheekaystay, sidaan ula sheekaysanayey muddo Taleefan iyo Is-aragba, ayaan idhi Guur diyaar ma u tahay? Dabadeed, waxay igu tidhi; ‘Anigu iskuul baan dhigtaa oo Guur diyaar uma ihi ee Gabadh Gurigayga joogta oo aannu saaxiib nahay ayaan ku barayaa’, waayahay baan idhi, sidii ayuu igu baray isagoo Gabadh ah Gabadhan aannu is-guursannay, markaa labadooda isagaaba igu soo horreeyey isaga oo Naag ah sidaan u bartay.”

“Xaafadda ay deggan yihiin waa Xaafadda Killalka ee magaalada Hargeysa, Gabadhii uu iskaayo baray markaan maalmo sheekaysannay, ayey Habeenkii dambe iyaga oo wada socda aannu kulannay, markay naga tageen iyaga oo wada socda, Gabadh ay walaalo yihiin Gabadha aan guursaday oo Maxamed Mooge deggan, ayuu ku yidhi; ‘Nin ayaa inantiinnii la tegaya, deedna Gabadhii way isoo garaacday, waxay tidhi; ‘inantan aannu walaalaha nahay waa la ii sheegay inaad la tegaysaan ee Inanta adoon la tegin sidii Dhaqanku ahaan jiray ee Caadiga ahayd nooga soo doon illeen laguu diidi maayee’, waxaan ku idhi la tegisi iguma jirto ee wadahadla iyada Aniga la tegis iskuma ogin, heerkaasna sheekadu weli noomay gaadhine, ka dibna taas baa hawshayada gashay, Inantooda Gurigeeda keentay, halkaas ayaannu ku doonnay oo ugu fadhiisannay, lagana soo wareejiyey.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ismaaciil.

Waxaan weydiiyey Cabdiraxmaan markii ay Ninkan Naagta iska dhigay ee Gabadha uu guursaday sii baray is-barteen iyo intii uu Gurigiisa ku noolaa bal marna in wax dareen ahi ka galay, waxaanu ku jawaabay; “Waa Nin Jidhka Dumarka leh oo is-jejebinaya, Gadh iyo waxba ma laha, waxan Dumarku marsadaan wejiga ayuu marsadaa, jidhkii Ragga ee ad-adkaa malaha, markuu Dharka Dumarka xidho, illaa keeshaliyada xidho waa naag caadi ah, magaca uu la baxay waa ASMA-CODAY haddii codka in aad u yar laga dareemi lahaa, OO Dumarka qaarkood baaba ka codwayn, markaa waxani waa Nin ismaba odhanaysid, dee dareen ah Nin Illaahay Nin ahaan u abuuray, ayaa is-beddelaya oo Naag iska-dhigaya ama isu ekaysiinaya marnaba iguma jirin, wax kale oo aan kaga shakiyo anigu oo aan ku arkayna ma jirin.”

“Marka ugu horreysa Qofkan Nin aannu walaalo nahay oo Tagsi watay ayaa ka soo qaaday jidka Dararweyne isaga oo Naag ah, halkii bay isku barteen, Annaguna isku barannay, waannu sheekaysannay toddobaadyo, sidaas buu nagu soo galay marka hore. Markan dambe Gabadhan uu iskaayo baray Gabadhan walaasheed ah ayaa guurkayaga ka shaqaysay inta Illaahay ka sokaysa oo na abaabushay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan. Waxaanu ii sheegay Cabdiraxmaan oo ah Nin dhalinyaro ah oo Muruq-maal ah, isla markaana ka mid ahaa Dadka ka shaqeeya Furinka ama Roodhida Moofooyinka ee Gaadhi-gacanka ama Kaaryoonaha Meheradaha ugu dhigdhiga ama ugu qaybiya marka Roodhidu soo baxdo inta badan gelinka hore, gelinka dambe iyo fiidkii uu intii dhacdaday ku dhacday joojiyey shaqadaas oo aanu hadda shaqaynin.

Hase-yeeshee, Cabdiraxmaan Ismaaciil oo aan weydiiyey waxa ka jira is-baristaa ka sokow inay Minxiisad u ahayd Gabadhiisa Qofkan is-nasaqaya ee Ninka noqday iyo inuu jiro wax dareen ah oo Dumarka Xaafadda ama Jaarku ka qaateen, waxa uu ku jawaabay; “Horta wax Dareen ah oo Aniga iyo Dadka kale ka qaateen oo la caddaynayaa ma jirin. Waxaana lagu ogaaday, markay Hooyadii tidhi; ‘Nin buu ahaa’. Galabtan Hooyadii soo doontay Xaafaddooda ayuu qabtay, marka hore meel uu ku maqnaa muu ogeyn, inuu Naag iska dhigo way ogaayeen, waxay Hooyadii sheegtay inay u kala taag heli wayday, waxaas bay isku wateen. Way jirtaa inay Minxiisad ahayd marka hore oo waatan iskaayo baraysay-ba, waxaan qabaa markan la soo wareejiyey inay la socotay. Laakiin, Dumarku waxay yidhaahdeen 8 ka dib bay noo timi, markii la soo hooyey, markaasay yidhaahdeen Anigu maan joogine ‘Dadku hannaga baxaan Dhalinyarta iyo Dumarku’ markaa cidina dhib umay arag ee Dumar sheekaysanaya ayuun baa loo arkayey.”

Cabdiramaan Ismaaciil oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey haddiiba aanu jirin wax dareen ah oo laga qaatay in Gabadhiisa iyo Ninkan Gabadha iska dhigayey wax gaar ahi ka dhaxeeyo, in la soo xidho Asmo-coday iyo Xaaskiisii, waxa uu yidhi; “Walaal waxaa keenay, markii la yidhi; ‘Inantii nala joogtay Nin bay ahayd ee Gabadh may ahayn’ waxaan weydiiyey Gabadhayda, iyaduna mabay qarin ee waa Nin bay tidhi; Hooyadiina, markay Dumarka xaafadda weydiinaysay ee lagu yidhi; ‘Xaafaddan Inan baa la joogtay ee Wiil lama joogin, way sheegtay inuu Dharka Dumarka xidho oo Gabadh iska dhigo’, markaas ayaan dareen qaatay, oo aan is-weydiiyey waxan loo wada socdo ee Ninkani gabadha isaga dhigyo.”

Guriga uu Cabdiraxmaan degganaa ee uu ku aqal-galay nooca uu yahay, in cid kale ku weheliso iyo Ninkan Gabadha iska dhigayey inta uu la joogay halka uu seexan jiray mar aan weydiiyey, waxa uu iigu jawaabay; “Guriga dhawr reer baa nagula noolaa oo Daaraddu naga dhaxaysaa. Waa Guri Jiingad Qol iyo Barande ah, Hablo kale ayey la seexan jirtay oo aan Anigu u geeyey oo aan ku idhi Gabadhani waa dumaashiday ee ha idinla seexato maaddaama oo Aqalku nagu yaraa. Iyaga laftooduna wax dareen ah oo ay ka qaateen ma jirin, wax dhaqdhaqaaq ah oo ay ka dareemeen ma jirin ee si caadi ah buu isaga seexan jiray bay yidhaahdeen. Shaqada Gurigana sida Dumarka ayuu u qabanayey, hadday cunto karin noqoto isagaa noo karin jiray Cuntada inta badan muddada uu nala joogay, Guriga iskaa hagaajinayey, Weelka isagaa xalayey.”

Mar aan weydiiyey Cabdiraxmaan Gabadhan uu guursaday Guurkooda iyo is-barashadooda inay isla Hargeysa uun weligeed ku noolayd iyo inay meel kale joogi jirtay, waxa uu yidhi; “Gabadhu dhawaan bay Miyiga Xarshimeed ka timi, markay Hargeysa timidna Reerkaas bay timi oo u shaqaysay muddo dhawr bilood ah, ka dib waakan iskaayo baray ee hawsha Guurku noo dhammaatay ee 22-ka bishii 12-aad Aqal-galkayagu dhacay, Sheekaduna waxay soo baxday oo la ogaaday 21-kii bishii koowaad 2017-ka, markaa wakhtigaa kooban baannu wada joognay.”

Sidoo kale, waxaan Cabdiraxmaan Ismaaciil weydiiyey Maxkamadda inay wax ka hor-qirteen labadan Ruux iyo halkay Dacwadda Maxkamaddu marayso, waxa uu yidhi; “Weli iyagu waxba may qiran, laakiin Markhaatiyada ayey Maxkamaddu dhegaysatay. Markaa, Hooyadii waxay Maxkamadda ka hor caddaysay inay u kala taagi wayday Inankeeda iyo Gabadhan aan guursaday oo ay markasta oo mid baxayo is-raaci jireen muddada ay la joogtay, Qof Dumar ahna uu iska dhigi jiray. Markaa, taa Maxkamadda ma rabo inaan ka hor-dhaco go’aankeeda, waxaanay Maxkamaddu muddaysay Shanta Bisha 3-aad in la isugu soo noqon doono oo maalinta u dambaysa labadoodana la dhegaysan doono.”

Cabdiraxmaan gebogabadii waxaan weydiiyey bal waxa uu soo jeedinayo ama ku baaqayo, waxaanu yidhi; “Anigu waxaan odhanayaa, mar hadday arrin Innagu cusub oo aan hore u dhici jirin tahay arrintani oo wax inna saamaynaya tahay oo Diinta Islaamka iyo Dhaqankeenna-ba ka soo horjeeddo in xaalkeeda la ogaado oo Sharciga Islaamka lagu qaado oo Culimada iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta la isugu yimaadda oo go’aan Sharci ah lagu fuliyo.”

Xigasho Wargeyska Ogaal